Posts

Showing posts from May 10, 2020

Sookoobidda buugga “ The Science of Getting Rich ~ Falsafadda Hodan noqoshada”

Image
Hordhac Buuggan ka la yidhaa “ The Science of Getting Rich ~ Falsafadda Hodan noqoshada” Waxa qoray   Wallace Delois Wattles , oo noolaa intii u dhexaysay ( 1860–1911). Waxa uu ahaa qoraa Maraykan ah. buugga sannadkii 1910kii ayuu soo saaray oo daabacay. Waxyar dhimashadiisii ka hor ayaa la daabacay buugga. Shirkadda Elizabeth Towne  Company. Qoraagu waqti hore ayuu noolaa. Nin lacagle ayuu ahaa waqtigii danbe ee noloshiisa, oo hanti buu samaystay. Sida inantiisu sheegtay hantiile ayuu ahaa. Buug kale oo la yidhaa “ The Science of Being Well  “ ayuu isna qoray. Buuggu waxa uu sharraxayaa falsafadda ama qaabka uu qofku hodan ku noqon karo. Tabaha iyo qaababka uu sheegayo qofkii raacaa inuu hodan noqonayo ayuu qoraagu qabaa. Nuxurka Qeybta ugu horreysa qoraagu waxa uu leeyahay “ Inaad hodan noqoataa waa xaq aad leedahay.’ Waxa uu qabaa in qofku inuu hodan noqdaa ay tahay wax uu xaq u leeyahay. Se xaqaasi doonis ayuu ku xidhanyahay. Qofku si guud saddex ayuu ka koobanyah