Posts

Showing posts from July 26, 2020

Akhrinsiyaasadeedka Hadalkii Trilson

Image
              Hababka caalami (International System) Waxaa jira dhibaatooyin qotodheer. Hoggaaminta caalamiga ah ee ay u taagantahay USA, waxa ay wayday dhaqankii maalinlaha ahaa ee shaqada. Sidaa daraadeed ayey ilbaxnimada Reer Galbeedku usii qudhbaxasaa oo sii xumaanasaa; gaar ahaanna qaayasoorka (Qiyamka). Dhawaan waxa aan akhriyey maqaal canbaareynaya dimuqraadiyadda Galbeedka ee wayday iftiinka, sida ay u wayday runnimada, dhinac kale. Madaxweynaha dalka ugu weyn caalamka [Trump] wuxuu ku caddeeyay Twitter-ka erintii Wasiirkiisa Arrimaha debedda. Clinton runbey sheegtay waqtigii ololaha lagu jirey ee ay loollamayeen Trump ayna sheegtay ‘ In Trump ugu danbeyn dawladdiisa ka maamuli doono Twitter-ka’.   Aaway Sharcigii?! Aaway duntii dimuqraadiyadeed ee ay Maraykan [ku soo caanomaaley] kuna faani jirtey waqti dheer?! Aaway caqligii mu’asaska ahaa ee Maraykan xukumayey?! Taasi ma wax dawlad la timaadaa [lagu maamulaa]? Mise waa wax shirkad lagu [maamulo]? Dawladdii Mara