Muhiimadda Shaqada
Xalay waxa aan isku lug darnay oo wada lugaynay wiil muruqmaala oo suuqa ka shaqaysta. Dusha ayaan iska garanaynay oo dhawr jeer oo hore ayaan ganacsigiisa wax ka iibsaday. Marka hore waxa aan ku ogaa alaabaha yaryar sida Tusbaxyada, shiraabaaddada, Jaajarrada… ayuu suuqa la wareegi jiray. Markaas ayaan bartay. Waayadan ayaan waayay oo aanan arkin. Si guud baan isku xaal waraysanay, wuxuuna ii sheegay inuu hadda alaabihii yaryaraa joojiyay, meel bakhaarana alaabta u guro oo Kaaryoone ku shaqaysto. Masha Allah. Wan bogaadiyay. Wiilku wuxuu marhore ii sheegay inuu xaafaddooda biiliyo, oo isaga ay ku xidhantahay. Masha Allah. Intaaba uma socon, wiilkuna wuu xoogsanayaa, mashquulna uma baahnee cashir baan ka rabaa inaan ka dhiraandhiriyo: 1- Shaqadu waa haybad: Qofku markuu shaqaysto ayuu wax helaa, haddii aanu waxba qaban cidna inay wax siiso xaq uguma laha. 2- Si kastoo duruftu u adagtahay inuu qofku shaqeeyaa way caawisaa nafsad ahaan, dareen ahaan iyo nolol ahaan ba. 3- Waa inuun...