Posts

Showing posts from January 17, 2021

Siciid Sheekh Samatar: Taariikhyahankii ugu afka dheeraa Cilmibaadhista Soomaalida

Image
  Siciis Sheekh Samatar,   waxa uu ahaa aqoonyahan, iyo sooyaalyahan Soomaaliyeed. Sannadkii 1943kii ayuu deegaanka Soomaalida ku dhashay. Yaraantii waxa uu ku soo kacaamay xooladhatannimo. Isaga oo muddakar ah ayuu waxbarashada bilaabay oo aabbihii u diray Magaalada Qallaafo. Halkaas ayuu muddo wax ka baranayay. Waxbarashada dugsiyada waxa uu ka dhammaystay Itoobbiya. Jaamacadda qaybta koowaad, waxa uu ka bartay ‘ Goshen College ’ oo Hindiya ku yaalla, wuxuu ka baxay Kulliyadda Taariikhda ‘history and literature.’ Shahaadada labaad ee Masterta waxa uu bartay Taariikhda Afrikaanka. Sannadkii 1979kii ayuu Shahaadada P.hD ka qaatay Jaamacadda ‘ Northwestern University ’ oo ku taalla   Evanston, Illinois . Wuxuunna ka bartay Taariikhda Afrika. Wuxuu caawiye Baroofaseer ka ahaa Jaamacadda Rutgers University. Wixii intaas ka danbeeyay waxa uu ku hawlanaa Taariikhd Afrika guud ahaan, gaar ahaanna ta Soomaalida. Waxa uu xubin sare ka ahaa ururka ‘Somali Studies International Associati