Posts

Showing posts from July 22, 2018

Shafeeca Waxbarashada Soomaalida #1

Image
Waxaynnu qormadan kooban isla eegi doonaa waxbarashada iyo sida loogu ciyaaray Soomaalida dhexdeeda, qaabka doorkeedii loo dooriyey, iyo muuqaalka guud ee aan ka haysanno waxbarashadu in ay tahay shaqo. Waxa aan aad ugu dooddi doonaa in aynnu doorkeenni waxbarasho gabnay, kaliyanna noqotey ganacsi ka mid ah sida wax kala iibsiga. Waxa kale oo aan xoogga saari doonaa intaynnu sidaa nahay in dhibta iyo dheeftuba innoo simanyihiin. Ila soco! Waxbarashadu waa habka loo koriyo maskaxda iyo maanka. Eraygan ‘Waxbarasho’ kooda horaba, waxa ay ka kooban tahay labo eray oo la isku daray, waxaynna kala yihiin ‘Wax’ iyo ‘Barasho’. Wax: waa aalad ama shay; Barasho: waa in aad ogaato shay aanad garanayn. Marka labada eray ‘Wax’ iyo ‘ Barasho’ la mataaneeyo, waxa ay noqonayaan ‘‘Waxbarasho”─ oo macnaheegu yahay in aad barato wax kaa qarsoonaa oo aanad garanayn. (Intaasi waa aragtideyda). Markaan halkan taaganahay; yaannan illaawin in aan carrabaabo erayo kale oo ay isku dhaw yih