Posts

Showing posts from October 30, 2022

Maarayntan Caajiska

Image
Hordhac Caajisku waa waqti lumiyaha ugu wayn. Qofka waqtigiisa ayuu ka lumiyaa. Qofkii oo maanta oo dhan inuu hawl qabto wuu ka wahsanayaa. Qofku ma rabo inuu wax qabto. Marar badan qofku isaga oo awooda hawlqabashada ayuu haddana aanu qabanayn, sabab? Sababta ugu wayn waxa weeyaan caajis. Caajiska ayaa ka turjumaya xaalad hawl la'aaneed ee qofka haysata ama daal xaa murqaha qofka hawl uu qabtay awgeed, waxaa suura gal ah caajisku inuu ahaado mid jidheed ama mid maskaxeed, caajiska iyo daalka qofka ayaa lagu sifeeyaa inuu yahay walax qabashadood oo loo kici waayo iyadoo ay jirto awoodii lagu qaban lahaa, saamaytiisa ayaana u badan markii cadaadiska xaga shaqada ahi uu bato. Caajisku wuxuu keenayaa inuu qofku waxba qaban waayo oo waxkasta ka caajiso. Maxaa sababa caajiska? Caajiska waxyaabo badan ayaa keena, waxyaabaha keena waxa aan ka xusi karnaa: 1-      Hurdo la’aan ama hurdo yaraan. 2-    Gaajo. 3-    Mashquul la’aan. 4-    Shaqo badan. Maxaa lagu maarayn

Si Kooban Siirada/Taariikhda Nebi Muxammed SCW

Image
Nebi Muxammed SCW wuxuu dhashay Bisha Rabiicul Awal, sannadkii 570kii. Wuxuu ku dhashay Maka. Aabbihii Cabdillaahi wuxuu dhintay isaga oo uurka hooyadii ku jira. Agoonnimo ayuu la kulmay yaraantiisii. Waxa naaska nuujiyay Xaliima-Sacdiya iyo Ummu Ayman. Miyi ayaa la geeyay, adhijire ayuu muddo ahaa. Hooyadii waxa ay dhimatay isaga oo 6 sano jir ah. Waxa kafaalaqaaday Awawgii Cabdimuddalib. Awawgiina waxa uu dhintay Nebiga 8 jir ah. Adeerkii Abuu Daalib ayaa Kafaalaqaaday, isaga ayuuna intii danbe ee noloshiisa la noolaa. Waxyar ka dib ganacsi ayuu bilaabay. Reer ayuu adhi u eegi jiray. Haddana gabadh ganacsi lahayd ayuu awrta u kaxayn jiray, oo u kala maamuli jiray. Muddo ayuu shaqadaas hayay. Gabadha uu shaqayn jiray waxa ay ahayd Khadiija. Ammaanadiisa ayay jeclaatay, ugu danbayna waxa ay u soo bandhigtay inay isguursadaan. Wayna isguursadeen Nebi Muxammed iyo Khadiija. Nebigu wuxuu ahaa 25 sano jir; Khadiijana 40 jir guur hore soo martay.Noloshii qoysnimo ayuu galay. Wuxuu ahaa qof