Maarayntan Caajiska



Hordhac

Caajisku waa waqti lumiyaha ugu wayn. Qofka waqtigiisa ayuu ka lumiyaa. Qofkii oo maanta oo dhan inuu hawl qabto wuu ka wahsanayaa. Qofku ma rabo inuu wax qabto. Marar badan qofku isaga oo awooda hawlqabashada ayuu haddana aanu qabanayn, sabab? Sababta ugu wayn waxa weeyaan caajis.

Caajiska ayaa ka turjumaya xaalad hawl la'aaneed ee qofka haysata ama daal xaa murqaha qofka hawl uu qabtay awgeed, waxaa suura gal ah caajisku inuu ahaado mid jidheed ama mid maskaxeed, caajiska iyo daalka qofka ayaa lagu sifeeyaa inuu yahay walax qabashadood oo loo kici waayo iyadoo ay jirto awoodii lagu qaban lahaa, saamaytiisa ayaana u badan markii cadaadiska xaga shaqada ahi uu bato.

Caajisku wuxuu keenayaa inuu qofku waxba qaban waayo oo waxkasta ka caajiso.

Maxaa sababa caajiska?

Caajiska waxyaabo badan ayaa keena, waxyaabaha keena waxa aan ka xusi karnaa:

1-     Hurdo la’aan ama hurdo yaraan.

2-   Gaajo.

3-   Mashquul la’aan.

4-   Shaqo badan.

Maxaa lagu maarayn karaa Caajiska?

Caajiska arrimo badan ayuu qofku iskaga ilaalin karaa, ama ku maamuli karaa. Marka hore qofku wuu iska ilaalin karaa, haddii uu iska ilaalin waayo waa inuu maareeyaa, qaabka uu u maaraynayaa isaga ayay ku xidhantahay. Maaraynta caajiska waxa aan ka xusi karnaa:

1-     Isdhiirrigeli: Markasta dhiirranoow, oo naftaada shidaal iyo dhiirrigelin sii.

2-   Hadafyadaada isxasuusi: marka aad caajis dareentid hoos u eeg hadafyadii kuu qornaa iyo wixii aad rabtay in aad gaadhid.

3-   Samayso jadwal aad ku socotid: Markasta oo nafu jadwal hesho ma daayo, caajisna ma dareento.

4-   Hal mar wax ha wada qaban: Inta badan iska ilaali in aad hawlo badan hal mar wada qabatid. Waqti u kala samayso oo kala farsamee shaqooyinka kuu yaalla, balse haddii aad isku daydid in aad hal mar qabatid waad ka caajisaysaa, adna caajis baad dareemi.

5-    Qabo in kooban shaqada: Marka aad hawl qabanaysid kala qorshayso oo hal mar ha wada qaban.

6-   Hurdo kugu filan seexo: Marar badan caajiska waxa keenta qofka oo hurdo raba, waayo hurdadii hore ayaan qofka ku filnayn. Markaa haddii qofku hurdo ku filan seexdo caajis badan ma dareemayo.

7-    Jimicsi: Marka aad hurdada ka soo kacdid jimicso, oo ugu yaraan yara socsoco, ama jidhka kala bixi. Markasta oo aad caajis dareentidna istaag oo yara soco, debadda u bax.

8-   Nasasho: Waqti kooban si wanaagsan u naso. Marka aad cunto cuntid naso, marka aad daashidna yara naso.

9- Cibaadada: Cibaadadu qofka firfircooni ayay gelisaa

Gebagebo

Caajisku waa cudur, qofka caajisaa hawl ma qabto, markastana waxa uu isku dayaa inuu aayar iska fadhiyo, oo aanu waxba qaban.

Waxa muhiim ah qofku caajiska iska ilaaliyo, haddii uu iska ilaalin kari waayana waa inuu barto qaabka iyo hannaanka loo maaraynayo marka caajiskii uu dareemo.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

11 Oktoobar, 2022.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?