Posts

Showing posts from December 11, 2022

Mu'addinkii Nebi Muxammed: Bilaal Binu Rabaax

Image
Bilaal, waxa uu ka mid ahaa asxaabtii Nabiga kuwii ugu waaweynaa, ee ugu akhyaarsanaa. Waxa uu ahaa Mu’addinkii Nabi Muxammed SCW. Cod macaan ayuu lahaa Bilaal. Bilaal, waxa uu dhashay 43 sannadood ka hor hijrada. Waxa dhalay Aabbo la odhan jiray ‘ Rabaax.’ Hooyadiina waxaa la odhan jiray ‘ Xamaama.’ Agoonnimo ayuu ku koray Bilaal. Markii Nabi Muxammed SCW soo baxay, Bilaal, waxa uu ahaa dadkii ugu horreeyay ee Rumeeyay Nabiga. Dadkii la dhibay, ee Islaamnimada daraaddeed loo dhibay ayuu ka mid ahaa. Wuu ku samray, oo u adkaystay. Gabadhii ugu horreysay ee Shahiidday ee SUMAYA, markii la cadaabayay, Bilaal na aad baa loo cadaabayay. Bilaal, meel kulul oo bacaada ayaa la dhigay, beerka ayaa dhulka loo dhigay, waxa lagu lahaa ‘ Muxammed cay’ isaguna wuu diiday, se marka ay aad u cadaabaan ayuu isaga oo qalbiga sidii saxda ahayd ka aaminsan waxa ay rabaan lahaa. Ninkii kibray ee la odhan jiray Ummaya Binu Khalaf, oo addoonsan jiray Bilaal misana waqtigaa ahaa nin qooqay ayaa Bilaal inta u

AFAR MAS’ALO OO QOFKA ISLAAMKA AH U MUHIIM AH

Image
  ا Ogow ALLAH ha kuu naxariistee inay nagu waajibtahay barashada afar shay: الأولى: العلموهو معرفة الله، ومعرفة نبيه، ومعرفة دين الإسلام بالأ 1-       Aqoon: Aqoonta oo ah garashada ALLAH, garashada Nebigiisa, iyo barashada diinta Islaamka si daliil leh ama caddayn leh. *** الثانية: العمل به.                                                              2-      Ku camal falidda: Marka aad barato ka dib   waa in aad ku camalfashaa Diinta Islaamka. ***                                                         . الثالثة: الدعوة إليه                                         3-      In aad dadka ugu yeedhid dacwadda/Diinta: Markaad barato, ku camalfashana, ka dib waa inaad dadka ugu yeedhaa. ***   الرابعة: الصبر على الأذى فيه                                 4-        Waa in lagu samraa wixii dhib ah ee kaa soo gaadha. *** والدليل قوله تعالى: بسم الله الرحمن الرحيم {وَالْعَصْرِ * إِنَّ الأِنْسَانَ لَفِي خُسْرٍ * إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ