Posts

Showing posts from September 11, 2022

Faallada Buugga “𝐌𝐚𝐧'𝐬 𝐒𝐞𝐚𝐫𝐜𝐡 𝐅𝐨𝐫 𝐌𝐞𝐚𝐧𝐢𝐧𝐠"

Image
  Buuggan waxa qoray Viktor E. Frank. Qoraa Viktor wuxuu ahaa Dhakhtar maskaxeed iyo qoraa. Buugga wuxuu soo saaray sannadkii 1946kii.   Wuxuu kaga warramayaa xasuusihii uu ku soo arkay jeelka. Qoraagu dagaalkii 2aad ee dunida ayuu muddo xidhnaa, markaa wuxuu kaga warramaya waxyaabihii uu jeelka ku soo arkay iyo khibraddii uu ka bartay. Wuxuuna ka jawaabayaa wayddiinta ah ‘ Waa sidee maskax ahaan dadka xeryaha iyo jeelasha ku jiraa?’   Qaybta koowaad wuxuu kaga warramayaa wixii uu kala soo kulmay jeelka, qaybta labaadna wuxuu ku soo gudbinayaa aragtiya loo yaqaanno “ Logotherapy ” oo ah in qofku fahmo macnaha nolosha, aragtidaas iyo fekrada ay ku shaqaysana isaga ayaa ikhtiraacay oo soo dhiraandhiriyay.   Waxa aan halkan si kooban ugu soo gudbin doonaa cashirrada nolosha wax ka baddelaya ee uu buuggu ka warramayo:   𝟏 . Aqbal wixii aanad awoodin maamulkiisa ( Cantrol)   Marar badan ma maamuli karno waxyaabaha innagu dhacaya, balse waxa aynu maamuli karnaa sida aa