Posts

Showing posts from June 30, 2019

Falanqeynta Buugga ‘ Essentials of Argument ~ Seeska Doodda.’

Image
Buuggan ladhkiisa la yidhaa ‘ Essentials of Argument ~ Seeska Doodda ’ waxa uu si guud ka hadlayaa habka wanaagsan ee doodda qofka arrin ku doodayaa uu u soo bandhigi karo, isaga oo aan ka tagayn dhaqanka bisaylka ah ee dooddu leedahay. Inta badan in qofku wax cariyo ayay qabtaa gabadha qoraayaddu. Sidoo kale, waxa ay aad ugu dheeraanayaa faa’idada iyo eesha ay u leedahay dooddu qofka doodaya iyo ka uu la doodayaba. Waxaa qortay Nancy V. Wood oo noolayd intii u dhexaysay (Juun 20, 1936 – Maarij 12, 2013), oo ahayd Qoraa, Abwaan iyo Sawirqaade Maraykan ah. Waxa ay aad ugu caan ahayd qoridda sheekooyinka gaar ahaan, iyo qoridda qoraallada aqooneed guud ahaan. Hadda mawdduucan doodda ku saabsan kan keli ah kuma madi ahee waxaa jiraa buugaag badan oo ay ka qortay ‘ Doodda.’ Buugtaa waxaa ka mid ah; ‘ Perspectives on Argument, iyo Writing Argumentative Essay’ oo isla mawdduucan hadda buuggani daaranyahay la xidhiidha. Nancy, buuggan waxa ay qortay sannadkii 2005tii. Buuggu wuxu