Posts

Showing posts from July 5, 2020

FEKERKU WAA MURAAYADDA QOFKA!

Image
  Waqtigii hore shakhsiyadda qofka waxbaa laga aaminsanaa. Waxaanna lagu qiimeyn jirey   hadalka. Haddii qofka hadalkiisu misaaman yahay; shakhsiyaddiisuna awood bey leedahay. Haddiise hadalka uu dhabqinayo─oo si bilaa miisaana uu u hadlayo; shakhsiyaddiisu ma dhisnayn! Arrintaasi waa maangal; waxaanna dabbaqay dadka [soo jireenkeedu] afka yahay (Oral society) ee aan weli horumarin. Balse, hadalku ma u yahay muraayad dawladaha horumaray? Waxaan hayaa arrin kale, luuqadda iyo hannaankeeda. Hadalka iyo awooddiisa; waa labo arrimood oo baahi loo qabo. Balse, waa waxba la’aan marka fekerku daciifyahay, luuqadduna awood leedahay. Sidaa daraadeed, dadyawga horumarey way dhaafeen gabayga; waxaynna baddelkeeda adeegsadaan fekerka. Gabayga waxa ay la falgaliyaan fekradda; waxaynna isku dayaan in ay feker ahaan naqdiyaan; in ka badan inta ay luuqad ahaan naqdinayaan! Shacabyada horumaray way jecelyihiin hadalka, waxaynna isku