Posts

Showing posts from September 5, 2021

Maxaad ka garanaysaa Hud’hudka?

Image
Hud’hudku waa shinbir ballanqaadka yaqaanna oo fuliya. Haddii uu meel cunto ama biyo arko ooridiisa ayuu u dhawaaqaa ama u yeedhaa oo cuntadaa ama biyahaas ma doonto illaa ay ooridiisu u timaaddo oo ay la socoto. Haddii uu waayana inta uu duulo ayuu soo raadiyaa isaga oo u dhawaaqaya. Haddii ay ooridiisii dhimatayna markasta oo uu xasuusto wuu qayliyaa si dareen leh; wuxuuna tagaa meelihii ay wada joogi jireen markii ay noolayd, wuu qayliyaa oo wuxuu xusaa xasuusihii wacnaa ama qurxoonaa ee ay wada qaateen markii ay ooridiisu noolayd. Hud’hudku waa xayawaankii kaliya ee yidhi: ‘ Hooy, Alle dartii u sujuuda~ الا يسجدوا لله .’ Hud’hudku wuxuu awood u leeyahay inuu gooyo ama safro masaafad aad u dheer. Wuxuu duulaa kumannaan Kiiloomitir isaga oo aan daalin, harraadin ama gaajoon. Wuxuu awood u leeyahay inuu dawlad ama dal ka duulo oo dal kale u duulo, sidaa darteed ayuu Alle Quraanka sharafta leh ugu xusay. Saba’ oo Yemen ah ayuu ka safray/duulay oo illaa Falasdiin ayuu u duulay, Alle ay