Maxaad ka garanaysaa Hud’hudka?

Hud’hudku waa shinbir ballanqaadka yaqaanna oo fuliya. Haddii uu meel cunto ama biyo arko ooridiisa ayuu u dhawaaqaa ama u yeedhaa oo cuntadaa ama biyahaas ma doonto illaa ay ooridiisu u timaaddo oo ay la socoto. Haddii uu waayana inta uu duulo ayuu soo raadiyaa isaga oo u dhawaaqaya. Haddii ay ooridiisii dhimatayna markasta oo uu xasuusto wuu qayliyaa si dareen leh; wuxuuna tagaa meelihii ay wada joogi jireen markii ay noolayd, wuu qayliyaa oo wuxuu xusaa xasuusihii wacnaa ama qurxoonaa ee ay wada qaateen markii ay ooridiisu noolayd.

Hud’hudku waa xayawaankii kaliya ee yidhi: ‘ Hooy, Alle dartii u sujuuda~ الا يسجدوا لله .’

Hud’hudku wuxuu awood u leeyahay inuu gooyo ama safro masaafad aad u dheer. Wuxuu duulaa kumannaan Kiiloomitir isaga oo aan daalin, harraadin ama gaajoon. Wuxuu awood u leeyahay inuu dawlad ama dal ka duulo oo dal kale u duulo, sidaa darteed ayuu Alle Quraanka sharafta leh ugu xusay. Saba’ oo Yemen ah ayuu ka safray/duulay oo illaa Falasdiin ayuu u duulay, Alle ayaa ka warramay oo yidhi: “ ‫وجئتك من سبأ بنبأ يقين .”
Nebi Sulaymaan SCW wuu cuskan jiray Hud’hudka oo wuxuu u adeegsan jiray inuu ku tilmaansado meelaha biyaha laga raadinayo ee dhulka hoostiisa ah. Markaaa haddii meel Hud’hudku biyo ugu sheego Nabi Sulaymaan Jinka ayuu amri jiray inay dhulka qodaan, dabadeedna biyo ayay ugu tagi jireen oo biyo la cabbo ayaa laga heli jiray. Magacaantiisa casriga ah waxaa ka mid ahaa ‘ Injineerkii Biyaha.’

Hud’hudku wuxuu ka midyahay xayawaannada ugu dareenka badan xasharaadka iyo dhammaan xayawaannada kale ee duulduula. Dareen badnidiisa awgeed wuxuu awood u leeyahay inuu dareemo ama ogaado biyaha dhulka hoostiisa ku jira.
Nebi Maxammad SCW wuxuu nahiyay ama diiday in la dilo afar xayawannada duula ka mid ah: Qudhaanjada, Shinnida, Hu’hudka, IWM.

Hud’hudku marar badan waxa la arkaa isaga oo aamusan oo aan qaylyayn, mararka uu aamuso ee aanu qaylyin waxa ka mid ah: Waqtiga la Eedaamayo, marka Salaadda lagu jiro, iyo marka Quraanka sharafta leh la akhriyayo.

Nebigu SCW wuu xarrimay in la dilo Hud’hudka isaga oo garanaya siraha badan ee Alle mooyee aan cidkale ogayn ee ku duugan Hud’hudka.

W/Q: Page ka (ﷺ.)
W/T: Cabdirasaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?