Posts

Showing posts from March 10, 2019

Haddii aad Fekrad Hayso, Bilow (2)

Image
Waxa aad u baahantahay Co-founder. Qoraalkaygii ugu danbeeyay ee aan kaga hadlayay maxaad u baahantahay marka aad fekrad hayso, waxa aan ku idhi; " Waa inaad daacad noqotaa adiga oo qiimaynaya awoodahaaga iyo waxa aad ku liidato." Sannadkii 1993kii markii aan bilaabay Econot, waxa aan lix sano lahaa ganacsi. Waxa aan raadinayay ama u ordayay in aan noqdo Injinneer Shirkad Dhisme oo guuleysta. Dabadeed waxa aan helay fekraddan qurxoon, ka dib markii aan wax ka bartay Tijnoolajiyadda cusub ee lagu magacaabo GSM... Maalinkasta saacado waxbaan akhriyi jiray, mararka qaar illaa 3am. Baadhis baan ku samaynjiray Warshadaha cusub. Internet ma jirin oo Google waxba ma wayddiin jirin. Sidoo kale, safarro ganacsi ayaan geli jiray si aan wax uga soo barto. Waan ku qanacsanaa inay tani noqondoonto mustaqbal. Intaa waxaa ii xigay inaan ka shaqeeyo qorshe ganacsi. Waxaan arkay inaan u baahanahay Toban Milyan oo Doollar. Hadda qof jooga booskaygi oo kale waxa ay la tahay Balaayiin D