Haddii aad Fekrad Hayso, Bilow (2)


Waxa aad u baahantahay Co-founder.

Qoraalkaygii ugu danbeeyay ee aan kaga hadlayay maxaad u baahantahay marka aad fekrad hayso, waxa aan ku idhi; " Waa inaad daacad noqotaa adiga oo qiimaynaya awoodahaaga iyo waxa aad ku liidato." Sannadkii 1993kii markii aan bilaabay Econot, waxa aan lix sano lahaa ganacsi. Waxa aan raadinayay ama u ordayay in aan noqdo Injinneer Shirkad Dhisme oo guuleysta. Dabadeed waxa aan helay fekraddan qurxoon, ka dib markii aan wax ka bartay Tijnoolajiyadda cusub ee lagu magacaabo GSM...

Maalinkasta saacado waxbaan akhriyi jiray, mararka qaar illaa 3am. Baadhis baan ku samaynjiray Warshadaha cusub. Internet ma jirin oo Google waxba ma wayddiin jirin. Sidoo kale, safarro ganacsi ayaan geli jiray si aan wax uga soo barto. Waan ku qanacsanaa inay tani noqondoonto mustaqbal.

Intaa waxaa ii xigay inaan ka shaqeeyo qorshe ganacsi. Waxaan arkay inaan u baahanahay Toban Milyan oo Doollar. Hadda qof jooga booskaygi oo kale waxa ay la tahay Balaayiin Doollar... Markii aan la hadlayay Dadkii Bangiga waxa ay bilaabeen inay isticmaalaan eraybixinta Bangiyada oo aanan waligay hadda horteed maqal.

Barbilow bay ahayd inaan tijaabadii ku guuleystay. Saaxiib Bangiga joogay ayaa ii sharraxay " Waxa aad u baahantahay 5 Milyan oo Doollar oo hanti ah. Inkastoo ganacsigu kobcana waxa aad u baahantahay intaas in ka badan...."

Haa, lix sano oo Khibrad ah ayaan haystaa. Hadda ganacsigaygan jira waxaa ka shaqeeyay 700 oo shaqaale; marhorana waxa aan ku guuleystay labada abaalmarinnood ee midi tahay ' Businessman of The Year ~ Ganacsadaha Sannadka.' Ta kalana tahay ' Industrialist of the Year ~ Warshadlaha Sannadka.' Waa abaalmarinnada ugu sarreeya dalka dhinaca Ganacsiga. Balse, waan ogahay dhagaysiga lataliyaha aanan lahayn awooddii weli, inaan u dallaco lacagta noocan ah.

Ta ku xigta, waxa aan u baahanahay inaan helo qof si uu iila taliyo oo uu kor ugu qaado lacaygta. Baadhistayduna waxay daarnayd inaan helo qofka khibraddaas leh...

'inuu lataliye ii noqdo' wuu igu raacay...
Ta xigta, waxa aan ogaa in Xisaabiyahay Shirkaddaydu uuna awoodin inuu shaqadan la tacaalo.

" Waxa aan Kooxdaada uga baahanahay qof fahmaya Mashruuca Maaliyadda. Ganacsigaagani wuxuu u baahan doonaa lacag joogto ah."
Waxa aan bilaabay inaan raadiyo qof leh khibrad Bangiyeed. " Waxa aan u baahanahay Bangiyaqaan ii noqda agaasime Maaliyadeed." Ayaan saaxiibkey ku idhi.

Muxuu Bangiyaqaanku kaaga shaqaynayaa lacag badan bay qaataane." Ayuu saaxiibkey i wayddiiyay.
Dadadeed waxa aan maqlay inuu jiro Bangiyaqaan hadda uun dalka ku soo laabtay, oo raba inuu Bangi uu gaaruleeyahay samaysto...
Intan ayaan ku idhi Jeff Mswimbi; " Noo kaalay oo nala shaqee dhawr sannadood. Waxa aan ku bari doonaa sidii aad ku noqon lahayd Hal'abuur ganacsi; adna waxa aad i bari doontaa sida kor loogu qaado Mashruucyada Maalliyadda."
" Dhab ahaantii ma rabo inaan qof kale u shaqeeyo." Ayuu iigu jawaabay.

Waxa aan ku idhi; " Shaqo maaha, waxa aad noqonaysaa jaallahay/wehelkayga."
"Hanti lacagla'aan ah 10%. Waad ka bixi kartaa inkastoo Ganacsigu korukaco oo horumaro." Ugu danbayn wuxuu igu raacay inuu ii noqdo Lataliye, oo Bangiga iigu yimaaddo. Balse, dhawr toddobaad ka dib shaqadii wuu sii xoojiyay!

Muxuu Bangiyaqaanku kaaga shaqaynayaa lacag badan bay qaataane." Ayuu saaxiibkey i wayddiiyay.
Dadadeed waxa aan maqlay inuu jiro Bangiyaqaan hadda uun dalka ku soo laabtay, oo raba inuu Bangi uu gaaruleeyahay samaysto...

Intan ayaan ku idhi Jeff Mswimbi; " Noo kaalay oo nala shaqee dhawr sannadood. Waxa aan ku bari doonaa sidii aad ku noqon lahayd Hal'abuur ganacsi; adna waxa aad i bari doontaa sida kor loogu qaado Mashruucyada Maalliyadda."
" Dhab ahaantii ma rabo inaan qof kale u shaqeeyo." Ayuu iigu jawaabay.

Waxa aan ku idhi; " Shaqo maaha, waxa aad noqonaysaa jaallahay/wehelkayga."
"Hanti lacagla'aan ah 10%. Waad ka bixi kartaa inkastoo Ganacsigu korukaco oo horumaro." Ugu danbayn wuxuu igu raacay inuu ii noqdo Lataliye, oo Bangiga iigu yimaaddo. Balse, dhawr toddobaad ka dib shaqadii wuu sii xoojiyay!

Inyar ka dib wuxuu gacanta ku dhigay doodihii u dhexeeyay Bangiga iyo Jaallayaasha Maalliyadda. Waxa aan ku soo laabtay si aan u noqdo ainjinneer iyo guddoomiye Hal'abuur ganacsi! Dhawr sano ayaan wadajoognay, oo rumeynay ama dhabaynay heshiiskayagii. Sannadkii 1999kii markii Shirkadda la Liisgareeyay wuu tagay oo Ganacsi gaar ahaaneed ayuu bilaabay.

Waxa aan xoggasaarijiray in aan helo aqoon. Awooddayda ugu badan waxa ay ahayd in aan noqdo ' Wiil riyooyinle' oo sooyaal Injinneernimo leh. Balse, waxa jira oo aan lahaa waxyaabo aan ku liitay ( Weakness): oo ma garanayn sida kor loogu lacagta la doonayo in ganacsi laga sameeyo.

Bal dhankaaga ka warran?

Waa maxay waxyaabaha aad ku liidato ee aad u baahantahay inaad ka takhallusto inta aanad Leefalka ou xiga bilaabin? Maxaanad rabtaa inaad kula tacaasho waxa aad ku liidato?

Bill Gates marka laga yimaaddo Cabqarinnimadiisii Qayrulcaadiga ah wuxuu u baahday Co-founder Paul Allen iyo CEO Steve Balmer. Mudane Mark Zuckerberg [Aasaasaha Faysbuugga] wuxuu u baahday COO Sheryl Sandberg. Larry Page [ Aasaasaha Shirkadda Google] wuxuu u baahday Co-founder Sergey Brin; labadooduba waxa ay xaqiiqsadeen inay u baahanyihiin CEO Eric Schmidt.... Liisku ma dhammaanayo. Wad uun.

Dhammaad.

W/Q: Dr Strive Masiyiva
W/T: Cabdirasaaq Sandheere

Maarij, 2019.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?