Posts

Showing posts from May 13, 2018

Damiir Dhintay!

Image
                              Nin weyn ama gabadh weyn oo 25+ ah, ayaa soo istaagaya masrax, waxaanna la odhanayaa Taariikhnololeedkiinna (Background) ka warrama. Hadalkaba waxay ka bilaabayaan “ Hooyadey iyo Aabbahay markay isguursanayeen, hooyadey waa lagu qasbay Aabbahay… Hooyadey godob ahaan ayaa loo guursaday…. Hooyadey gudniinka fircooniga ah ayaa lagu sameeyay oo runtii dhib badan ayay soo martay….. Aabbahay hooyadey wuu dili jiray.. Hooyadey markay I dhashay ayaa la furey oo 4 nin oo kale ayay guursatay, anna silic baan kala kulmay nimankaa hooyadey qabay......” Dadka noocaas u hadla ee waliba masraxyo boqol indhood horfadhiyaan lagana duubayo ka sheega, waxaan u aqaan qof aan damiirnool (Consceince Life) lahayn. Damiirkii haba lahaadee maa noola wuu hawlgabay si kale aan u dhigo ‘ wuu dhintay damiirkii!’ Qofka haddii ayna jirin wuxuu xeeriyaa oo xidhaa xadka wuu dhaafayaa. Wax laga xishoodo ayuu ku faanaa. Wax laga aamuso ayuu ka hadlaa. Wax laga meeraysto ayuu ku