Posts

Showing posts from December 26, 2021

Milicsiga Sannadkii 2021

Image
Hordhac In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo. Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2021 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray,   iyo IWM. Akhriska   Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada

Faallada Buugga ‘ Samaha Islaamka’

Image
    Waa dhigane aad u kooban. Waxa uu ka koobanyahay 66 bog. Waxa Af Carabi ku qoray Axmed Binu Yuusuf; waxaana Af Soomaali u turjumay Mustafe Faynuus. Daabacadda asalka ahi muddo hore ayay ahayd; balse ta Af Soomaaligu waxa ay soo baxday Abril, 2021ka. Waxaana daabacday, oo faafisay Madbacadda Qalinmaal, oo ah Madbacad waayadan danbe qaadhaan badan ku soo biirisay Maktabadah Soomaalida. Buugyaruhu wuxuu xoogga saarayaa wanaaga, iyo samaha Islaamka guud ahaan. Gaar ahaanna waxa uu soo bandhigayaa meelaha laga eegi karo wanaaga Islaamka. Wuxuu tusaalayaal badan u soo qaadanayaa samaha Islaamka. Waxa aan isku dayi doonaan in aan si kooban nuxurkiisa u soo koobo, oo u guudmaro. Nuxurka Buugyaraha   Buugyaruhu wuxuu leeyahay habraacyo la xidhiidha Islaamka. Habraacyada la xidhiidha Samaha Islaamka waxa ka mid ah kuwan: 1-     Aragtida Guud ee la xidhiidha Aadanaha, Arlada iyo Jiraalka: Diintan ma fahmayno wanaagyadeeda, lamana gaadhayo quruxdeeda, illaa oo la gaadho aragtida

Madaxweynihii hore ee Obama ayaa Sooyaalkiisa iyo jidkiisa ka warramay

Image
  Gugii sannadkii 2004, nin da 'yar oo sharciyaqaan goboleed ahaa   ayaa laga soo kaxeeyay gurigiisa, xilli uu olole ka socday miyiga Gobolka Illinois, goortaasi oo uu taleefan ka helay Magaalada Washington. Codka khadka telefoonka ka soo wacay ayaa wayddiyay haddii uu xiisaynayo in uu khudbad muhiim ah ka jeediyo Shirweynaha Qaran ee xisbiga Dimuqraadiga ( Democratic National Convention) oo xagaagaas ka dhacayay magaalada Boston.    "Marnaba ma dareemin xanaaq iyo walwal toona wixii aan ka idhi macquulnimada baaxadda lahayd ee aan sannadkaa lahaa uun" hadda sharciyaqaanku wuxuu ku xusuusanayaa xusuusqorkiisa cusub ee la yidhaa “   A promise Land.”   Marka dib loo dheehdo sanadkii 2004, Brack Obama wuxuu helay fursadaas si uu uga hadlo shirkaa jaraa'id. "aynu wajahno, aynu wajahno" ayuu ku bilaabay hadalkiisii." joogitaynkeyga marxaladdan caawa waa mid la jecelaysanayo oo aan macquul ahayn" joogitaan aan macquul ahayn? Sanad aan macquu