Posts

Showing posts from March 31, 2019

Ashqaraar!

Image
Hooyaday marwalba waxbay iga qarisaa. Anna had iyo jeer waxa aan isku dayaa inaan ogaado ama helo waxa ay iga qarinayso. Tuulada, meelwalba oo aan doonno in aan tagno ama shaqo u aadno dadku way I tilmaamaan oo way igu sheekaystaan iyaga oo sheegaya in aan ahay wiil nasiibxun. Marka aan intaa hooyaday u sheego si aad ah ayay u oydaa, waxaynna I wayddiisaa waxa aan bartay! Waxa aan ku idhaahdaa ‘ Waxba.’ Dabadeed hab ayay i siisaa (laabta ayay I galisaa) waxaynna ii sheegtaa inaanan qofna rumaysan. Markasta oo ay ii sheegto shey’yadan, aad baan u cabsadaa; waxaanan u dammaanadqaadaa inaanan qofna rumaysan. Maalin baan arkay Aabbahay oo Hooyaday la dagaallamaya, kuna dagaallamaya lacag ay ani igu kharashgaraysay. Wuxuu ku eedeeyay inay tahay gabadh xun. Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay inay qaadatay inay qaadatay ilme ay hooyadii iska tuurtay ama iskaga tagtay. Maalintaa waxa aan ogaaday markii aan jiray saddex bilood in hooyadaydii saxdii i tuurtay; oo hooyadan aan la qabsaday a