Posts

Showing posts from September 27, 2020

Faallaynta Buugga “From Third World to First ~ Adduunyada Saddexaad illaa Ta Koowaad”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “From Third World to First” waxa qoray Lee Kuan Yew. Waxa uu ka soo jeeday oo ku dhashay dalka Singapore. Waxbarashada Dugsiyada waxa uu ku qaatay Singapore. Markii danba waxa uu waxbarasho Jaamacadeed u tagay Dalka Ingiriiska, waxa uu dhigtay   London School of Economics . Sharcigana wuu bartay, oo Jaamacadahana wuu ka dhigay, xarumo kala duwanna wuu kaga shaqeeyay. Siyaasaddii dalkiisa ayuu soo galay. Xisbiga la yidhaa  ‘ People's Action Party ’ ayuu aasaaskiisa wax ku lahaa sannadkii 1954kii. Lee, waxa uu ahaa Raysalwasaarihii Dalka Singapore intii u dhexaysay 1959 illaa 1990. Qoraa Lee, waxa uu ahaa hoggaamiye dalkiisa horumar baaxadle gaadhsiiyay. Oo Singapore sannadkii uu maamulayay ayuu horumarkan ay hadda haysto gaadhsiiyay. Dalka meel hoose ayuu ka soo qaaday, meel sarana wuu gaadhsiiyay. Sidoo kale, waxa uu ahaa qoraa wayn oo buugaag kala duwan qoray. Buugta kale, ee uu qoray waxa ka mid ah “ The The Wit and Wisdom of Lee Kuan Yew  and