Posts

Showing posts from November 18, 2018

Awoowgey Sh Maxammed C C Tukaale: Wadaad, Macallin, iyo Dhakhtar.

Image
Awawgay Sh. Maxammed C Cabdillaahi Tukaale, wuxuu ka mid ahaa wadaaddadii waxbarashada u dhuyaalay ee meelo badan u tagay, culimmo kala duwanna kala kulmay ee ka soo qaatay. Meelaha uu wax ka bartay waxaa ka mid ahaa; Addis’ababa, Herer, Jigjiga, Jabuuti IWM. Muddo hadda laga joogo sannado badan wuxuu macallin ka noqday magaalada Hargeysa. Ardey buu qabtay oo wax bari jiray. Sida uu dhawaan iiga warramay waxa ka mid ahaa ardeydaa Xildhibaan Cabdillaahi Balaak oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Soomaalilaan. Hadda Awoowo waa bare, Dabiib, Mufti, Imaam, odey, Nabaddoon, iyo Wadaad. Wuxuu   hage iyo hoggaan ba u yahay bulshada ku dhaqan Tuulooyinka Durya, Eegato, Dabarddullalay, Siyaarada, Eegato, Gobyarta Awnuurka, Caloolla, Qaaliga Albaase, Dhumucyare, Biciidlaa, Qorijabka IWM, oo dhammaan hoostaga Degmada Qabribayax ee Gobolka Faafan.   Wuxuu gacanta u qabtay oo uu Qur'aanka baray kumannaan qof. Wuxuu Qur'aanka xifdisiiyay kumannaan kale. Wuxuu waxbaray bulsh