Awoowgey Sh Maxammed C C Tukaale: Wadaad, Macallin, iyo Dhakhtar.



Awawgay Sh. Maxammed C Cabdillaahi Tukaale, wuxuu ka mid ahaa wadaaddadii waxbarashada u dhuyaalay ee meelo badan u tagay, culimmo kala duwanna kala kulmay ee ka soo qaatay. Meelaha uu wax ka bartay waxaa ka mid ahaa; Addis’ababa, Herer, Jigjiga, Jabuuti IWM.
Muddo hadda laga joogo sannado badan wuxuu macallin ka noqday magaalada Hargeysa. Ardey buu qabtay oo wax bari jiray. Sida uu dhawaan iiga warramay waxa ka mid ahaa ardeydaa Xildhibaan Cabdillaahi Balaak oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Soomaalilaan.
Hadda Awoowo waa bare, Dabiib, Mufti, Imaam, odey, Nabaddoon, iyo Wadaad. Wuxuu  hage iyo hoggaan ba u yahay bulshada ku dhaqan Tuulooyinka Durya, Eegato, Dabarddullalay, Siyaarada, Eegato, Gobyarta Awnuurka, Caloolla, Qaaliga Albaase, Dhumucyare, Biciidlaa, Qorijabka IWM, oo dhammaan hoostaga Degmada Qabribayax ee Gobolka Faafan.  Wuxuu gacanta u qabtay oo uu Qur'aanka baray kumannaan qof. Wuxuu Qur'aanka xifdisiiyay kumannaan kale. Wuxuu waxbaray bulsho dhan. Isaga oo waxdhigaya oo macallin ah uun baan garaadsaday anigu.
Awoowo Sh. Maxamed, waxa aan ku garaadsaday isaga oo Wadaad ah, dadkana dabiiba. Oo waxa aan garanayaa uun isaga oo qofkii meelyar xanuuntaba loogu yeedho si uu u daweeyo. Isaguna daacad buu ahaayoo qofka halka uu ku xanuunsaday ayuu ugu tagi jiray oo uu ku soo dawayn jiray. Marka laga maarmi waayo; mararka qaar waxaan xasuusata in seqda dhexe loo iman jiray si qofka xanuunsada uu udaweeyo. Aqoonta daweynta aad buu u yaqaannay oo uu takhasus gaar ah ayuu u lahaa. Illaa haddana isagaa daweeya. Xanuunno dhakhtarro waaweyn waxba ka garan waayeen ayuu isagu u babbacdhigaa oo daweeyaa. Inta badanna Qur’aanka ayuu dadka ku dabiibaa oo ku akhriyaa.
 Wuxuu lahaa meel Malcaamad ah oo ku taallay meel in yar ka durugsan tuulada aan deggannahay, waxayna ku dhextaallay beertayada oo u dhexaysa labo tuullo. Malcaamadda waxaa looga iman jiray tuulooyin badan oo aannu jaarnahay, waxayna ahayd ta kaliya ee ku taal. Awoowana wuxuu ahaa wadaadka kaliya ee Qur'aanka aaggaa ku dhiga, aadna loogu kalsoonyahay. Anigu wax badan kama dhigan oo nasiib uma helin, waqtigaa waan yaraa; Qur'aankana magaalada markaan yimiddey baan ku xifdiyey.

Awawgay Sh. Maxammed Cumer C Tukaale, waa aabbaha dhalay aabbahay Rashiid. Aabbahay ayuu Awoowo ku curtay oo xaafaddiisa ugu weyn. Aabbahay Rashiidna aniga ayuu igu curtay oo ah carruurtiisa ka ugu weyn. Waan ku faraxsanahay in Awawgay yahay Sh. Maxamed, Aabbahayna Rashiid.
                                                                                      
Bilahan danbe ayuu yara xanuunsanayaa, Awoowo. Aan u duecynno in Allah caafiyo, cimriga ha u barakeeyo. Aamiin.


Sawirku waa Ogosto, 2018. Meeshu waa Qorijabka, Beertada annaga oo adhi ku eegaynna.

Cabdirasaaq Sandheere
Nov 20, 2018

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?