Posts

Showing posts from January 6, 2019

NIN MIYI KA YIMID, GABDHO MAGAALO MA DANEEYO!

Image
   Waa aroor hore oo hadda uun cadceeddii soo boodey. Waxaa xaafadda lagu waabariistey in xaley lo’dii tuugi dareersatey, oo ay kaxeystey. Hooyo Caasha, iyadu salaaddii waaberi ayey tooostey, markey tukateyna waxa shiddey dabkii oo shaahii ayey karisay, illaa ay maqashey hadalka Aabbo Geelle, mooyaane. Aabbo Geelle isaguna wuxuu u kacey salaaddii waaberi, balse, wuxuu tagey beerta oo uu dacawada iyo xayawaannad cadceed soo boodka cuna uu ka ilaalinayey. Markuu beertii soo eegay ee uu xayawaannaddiina ka eryadey, ayuu xagga reerka u soo kacey, markuu yimid ayuu is maqli waayey ci’dii sicii Boorre, uu arroorta hore ku dhufan jirey, markaasuu xagga xerada lo’ada oo aan xerada geela ka fogeyn tagey, misan wayba madhantahay! Baabah. Aabbo yaab oo fajac afka gacanta saar. Markaasuu Hooyo Caasha oo buulka joogta u dhawaaqey: “ Caashaay?”. Hee. “ Lo’dii way maqantahay?” “Yaa maqantahay aa?” Intey soo kacdey “fukuc” ayey intaa tidhi. Dabadeed xeradii timaddey, iyadna yaab afka gacanta