Posts

Showing posts from December 16, 2018

Hagardaamada Tafaftirayaasha, iyo Qoraayada: Muunad Ahaan Sandheere

Image
Wiil aan saaxiibnahay oo Burco deggan ayaa buug qoray. Buuggu mid aad loogu baahnaa oo khaanad bannaanbuuxinaya ayuu ahaa. Qoraaguna curdin ayuu ahaa oo markaa ayuun buu saaxadda ku soo biiray. Qoraagii cusbaa buuggii wuu dhammeeyay. Markay hawshii xaggiiisa ka dhammaatay ayuu u baahday qof la eegga oo ka tafaftira. Niman uu meelahaa Muuqbaahiyahay, iyo Faybuugga ku arkay oo nasiibku saaciday ayuu la xidhiidhay. Cinwaannadoodii iyo Telefoonnadoodiiba wuxuu raadiyaba, ugu danbayn wuu helay. Ninkii u horreeyay Ingiriiska ayuu deggannaa. Hawshiisii ayuu u bandhigay. Waqti ma hayo ayuu ku habarwacday. Kii labaad Hargeysa ayuu joogay. Wuuba u soo jawaabi waayay, Faybuugga ayuu farriin ugu diray, intuu ‘ arkay’ uun buu markii uu garanwaayay u jawaabi waayay. Kaanna halkaa ku dhaaf. Haddana mid magaale kale jooga, kiinna ma haleelayo ayuu yidhi. Haddana mid kale….. Illaa toddoba nin oo qoraalka uu isagu bidayay inay kaga soo horreeyeen markii uu marayay ee midna buuggii ka qabanwaayay,

Ilaalinta Xuquuqda Dhuldifaacdo Nonhle Mbuthuma!

Image
NonhleMbuthuma, waxaa soo waajahday khatar iyada oo isku dayaysa in ay ka joojiso shirkad Macdaneed oo rabta in ay Macdanta ka gurato dhulkeeda. Haddaba sabab, maxaa ay dawladdu u ilaalinla'dahay Nonhle?! Nonhle, awawyadeed ayaa lahaa dhulkan oo ay kadhaxashay. [Hadal dhaxalgala ayay tidhi Nonhle oo ah]: “ Haddii aad qaadato dhulkayga waxa aad qaadatay sawracaygii.” Nonhle, iyo bulshowaynta ku dhaqan Bariga magaalada Capetown ee KoonfurAfrika, waxa ay u babbacdhigayaan khatar ay xataa u waayi karaan sheykasta [ Nafta], waayo, Shirkad Macdaneed ayaa rabta inay ka qaadato/la wareegto dhulkeedii. “ Dhulkan Awawgay Hooyo ayaa lahaa, oo ka dhaxlay Waalidiintiisii. Maxaan carruurtayda uga tagayaa? Macdanqodiddu maaha doorasho/ikhtiyaar.”   Nonhle, ayaa hadalkaa [ku geeraartay!] Nonhle, iyo xubno kale oo ka mid ah bulshadeedu ayaa gadhwadeen ka ah olole iskacaabbineed. Waxa ay aasaaseen ‘Amadiba Crisis Committee ’–si ay u mideeyaan dadka ku kala nool shan Tuulo, iyo in