Posts

Showing posts from October 4, 2020

Sookoobidda “ Ego is the Enemy ~ Anaaniyaddu waa Cadaw?”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ Ego is the Enemy ~ Anaaniyaddu waa Cadaw?” Eraygaa “ Ego’ sidoo kale ‘ Kibir’ waan ku macnayn karnaa. Se hadda Anaaniyad aynnu u qaadanno. Waxa qoray Ryan Holiday. Ryan waa qoraa, ganacsade iyo Suuqgeeye. Shirkado badan ayuu la shaqeeyay. Ka dib markii laga eryay Kooleejkii uu dhigan jiray waxa uu ku mashquulka arrimaha qoraalka. Shabakado kaladuwan ayuu lka shaqeeyay, oo qaar xataa madax ka soo noqday. Qoraa muddo badan wax qora ayuu ahaa. Meelaha uu wax ku qoro, ama lagu daabacay waxa ka mid ah: The Columbia Journalism Review ,  The Guardian ,  Thought Catalog ,   Medium.com  iyo  New York Observer . Waxa ay muddo wadashaqaynayeen saaxiibna ahaayeen qoraa R obert Greene, oo ah qoraaga buugta “ 48 laws of Power” iyo “ The Nature of Human…” Buugaag badan ayuu qoray Ryan. Waxa ka mid ah ‘ Obstacles on the Way.” Buugga la yidhaa, oo uu 2014 daabacay. Kana mid ah buugaagta caalamka loogu iibsiga badanyahay. Buuggan waxa uu soo saaray sannadkii 2016kii

Faallaynta Buugga “ Dagaalladii Basaasiinta Qarnigan 21aad”

Image
  Hordhac Buuggan   la yidhaa “ حرب الجواسيس القرن ٢١ ~Dagaalladii Basaasiinta Qarnigan 21aad ” waxa qoray Majdi Xuseen Kaamil. Majdi, waa Qoraa, Wariye, iyo Turjumaa. Mareego kaladuwan oo dalka Masar ka soo baxa ayuu wax ku qori jiray. Wuxuu u dhashay dalka Masar.   Wuxuu dhashay sannadkii 1970kii. Majdi, waxa uu qoray buugaag kaladuwan. Buugta uu qoray waxa aynu ka xusi karnaa “   فريدريك نيتشه شيطان الفلسفة الأكبر .”“ أحداث التاريخ الكبرى .” “ رؤوس الشر العشرة     .”   “ الفوضى البناءة .”iyo buugaag kale. Waa qoraa muddo badan wax qorayay saaxadda qoraannimada ku jiray. Hadda wuu noolyahay.   Buuggan uu Majdi qoray ayaan isku dayi inaan si kooban u tilmaamo nuxurkiisa, iyo waxa uu ka warramayo. Weliba waxa aan doorbiday inaan sookoobidda ku soo qaato hordhaca buugga, oo soo afnaqo iyada oo faahfaahin wadata. Muxuu Buuggu ka Warramayaa? Hawlgallada Ruushka ayaa soo caddeeyay in Sargaal dalkooda u dhashay oo la odhan jiray ‘ Alexander Litvinenko’ lagu dilay Magaalada