Posts

Showing posts from August 25, 2019

Waqti Kooban Horteed: Hayaankaygii Waxbarasho

Image
Waa galab cadceeddu dheertahay. Dhar aan bilic ahaan waycnayn oo haddii uu doonana jeexjeexan ayaan xidhanahay. Joog maanta duhurkii waxoogaa Shaah ah la iigu soo shubay, iyo bac aan laxoox ka cunay oo waxyar ku sii hadheen ayaan gacanta bidix ku sitaa. Ta kalana, ul aan dugaagga iskaga ilaalinayo ayaan ku sitaa. Meel kayna ayaan Adhi ku eegayaa. Taariikhda iyo bisha si saxa uma garan karo, maadaam aan yaraa Taariikhda tirsiga ahna aan inta badan aagga laga aqoon. Waqtigu Jiilaal buu ahaa. Jiilaalkana sida caadada ah beeraha xooluhu daaqayaan lama kala ceshado e dhuldaaqsimeedka wuu furanyahay, qofkastaa meesha uu doono ayuu u foofsadaa xoolihiisa. Adhiga ayaan markaa foofiyay oo meesha aan deggannayay meel ka yara durugsan ayaan saaka aroortii u foofiyay. Wiil cas oo jidh ahaan qurux badan oo casaan ah, da' ahaanna aad iiga wayn, aynna ka muuqato inuu magaalo ka yimid ayaan kulannay. Geed buu fadhiyaa, wuu xarragoonaya oo nin xoola eegis usoo diyaargaroobay ma moodaside in