Waqti Kooban Horteed: Hayaankaygii Waxbarasho




Waa galab cadceeddu dheertahay. Dhar aan bilic ahaan waycnayn oo haddii uu doonana jeexjeexan ayaan xidhanahay. Joog maanta duhurkii waxoogaa Shaah ah la iigu soo shubay, iyo bac aan laxoox ka cunay oo waxyar ku sii hadheen ayaan gacanta bidix ku sitaa. Ta kalana, ul aan dugaagga iskaga ilaalinayo ayaan ku sitaa. Meel kayna ayaan Adhi ku eegayaa. Taariikhda iyo bisha si saxa uma garan karo, maadaam aan yaraa Taariikhda tirsiga ahna aan inta badan aagga laga aqoon. Waqtigu Jiilaal buu ahaa. Jiilaalkana sida caadada ah beeraha xooluhu daaqayaan lama kala ceshado e dhuldaaqsimeedka wuu furanyahay, qofkastaa meesha uu doono ayuu u foofsadaa xoolihiisa. Adhiga ayaan markaa foofiyay oo meesha aan deggannayay meel ka yara durugsan ayaan saaka aroortii u foofiyay.

Wiil cas oo jidh ahaan qurux badan oo casaan ah, da' ahaanna aad iiga wayn, aynna ka muuqato inuu magaalo ka yimid ayaan kulannay. Geed buu fadhiyaa, wuu xarragoonaya oo nin xoola eegis usoo diyaargaroobay ma moodaside inuu booqasho ku yimid baad ka dareemaysay. Wiilkii waannu isasalaannay. Waannu sheekaysannay. Islamarkiiba wuxuu iiga sheekeeyay halka uu ka yimid. Wuxuu ii sheegay inuu magaalada HARGEYSA la yidhaa ka yimid, oo wax ka barto. Haddana uu booqasho ku joogo halkan Miyiga ee reer waxoogaa noo jiray uu yimid. Wiilku wuxuu ii sheegay in magaalada aynna rafaad jirine raaxo badan taalo. Waxbarashada aad loo barto. Aroortii waxbaa la bartaa, duhurkiinna inta BARIIS MACAAN la cuno ayaa la seexdaa. Galabtii inta la maydhmaydho ayaa wax la AKHRISTAA ama la nastaa ayuu igu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu ii raaciyay ' Fasallada Dugsiga' lagu barto ee kaladuwan, annaguna haddii aannu reer MIYI nahay u naqaananay AQALLO. Oo haddii uu ahaa Fasalka 7aad, waxa weeyi AQALKA 7aad. Aabbahay ayaanan ka bartay oo wuxuu odhan jiray ' Aabbo Cabdirisaaqoow, 12 AQAL ayaa jira Iskuulka!' Aad uma fahmin wixii uu iiga sheekeeyay, se erayga AQOON ayaa isoo jiitay xiisobadan iyo jaceyo xad'dhaaf ahna aan u hayay.

Wiilku uurkutaallo ayuu igu abuuray. Hadda oo aan qoraalka qorayo si wacan bay maalintii, iyo wiilkiiba iigu sawiranyihiin. Halkaa aannu fadhinnay waan xasuustaa.

Anigu markaa waxba ma baran jirin. Aad na uma fahansanayn waxbarashada. Se aad baan u jeclaa XURMO iyo waynayn aanan qiyaasi karin ayaan u hayay. Haddii aan maqlo hebel waxbuu bartaa fadhiga ayaan uga kici jiray. Maalintaa aad baan u yara murugooday, oo inaanan meeshaa in wax cusub lagu barto aanan joogin oo fursaddu ii saamixin aad baan uga caloolxumaaday. Galabtii adhigii yaraa ee aan eegayay ayaan iska carraabsaday illaa iyo xaafaddii. Isna wuu iska tagay.

Muddo badan ka dib maalin dhaway Ogosto, 2019 oo aan buugga HELEN KELLER meel u dirayay ayaan wiilkii Hargeysa ku arkay. Markaannu iska soo horbaxnay waannu isgarannay, se aad isagu iima garan. Inuu waxbarashadii muddo hore joojiyay ayuu ii sheegay. Sidoo kale, inuu iska xoogsado ayuu sheegay. Waan bogaadiyay anna.

Muddo aan sii badnayn ayaan ka imid Miyigii oo waxbarashadii aan XURMADA badan u hayay bilaabay. Waxbadan baa iska kay baddelay. Sida aan u arki jiray iyo hadda sida aan u arkana qoraal kale ayaan ku eegi doonaa.


Alle mahaddii Jaamacadaha aan dhigto mid muddo kooban ahayd ayaa ii soo afmeerantay. Kuwa kalana way ii socdaan weli oo ma dhammayn. Allah Mahadle. 

Cabdirasaaq Sandheere
30 Ogosto, 2019.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?