Posts

Showing posts from May 15, 2022

Faallaynta Buugga ‘ When There Was No Aid’

Image
  Hordhac   Buugga la yidhaahdo ‘ When There Was No Aid ~ Marka   uuna jirin Gargaar” waxa qortay qoraa Sarah G. Philips. Qo0raa Sarah waa qoraa iyo cilmibaadhe waxka dhigta Jaamacadda Sydney, sidoo kale waa Caawiyaha Hormuudka   kulliyadda dawladnimada. Waa buug qaab cilmibaadhisa u qoran. Qoraa Sarah, waxa ay buugga ku eegaysaa xaaladda Somaliland horraysa iyo danbaysaba. Waraysiyo badan ayay dad Somaliland ku nool la yeelatay.   Xigashooyin badan, waraysiyo, dooddo, IWM ayay isku keentay, ka dibna buug dhammaystiran ka samaysay. Qoraa Sarah, taariikh guud bay ku noqonaysaa oo buugga kaga warramaysaa. Waxa ay buuggeeda ka soo bilaabaysaa Soomaalilaan markii ay xornimada qaadatay Sannadkii 1960kii, illaa laga soo gaadhayo sannadkii 2018kii, markii Soomaalilaan iyo Putland dirirtu dhexmartay. Waxa aan isku dayi doonaa inaan si kooban uga warramo waxa uu buuggu daaranyahay. Taariikhdii hore ee Soomaalilaan Sannadkii 1960kii ayay SL xornimada ka qaadatay gumeystihii Ingirii

Sawirkan ayaa Noloshiisii Galaaftay!

Image
Sawirqaade Kevin Carter, waxa noloshiisii iyo xirfaddiisiiba galaaftay SAWIRKA hoose! Sannadkii 1993kii ayuu sawirkan gacantiisa ku qaaday, wuxuu ka dalka Suudaan. Sawirku waxa weeyaan gabadh yar oo Suudaaniis ah oo gaajo darteed u dhimatay. Dalka Suudaan waqtigaas waxa ka jirtay abaar ba’an iyo gaajo. Sawirka isla markii la qaaday ba waxa daabacday Mareegta New York Times. Markii akhristayaashu arkeen sawirka aad bay u waceen Kevin, iyaga oo raba inay ogaadaan waxa gabadha yar helay. Mareegta New York tallaabo kale ayay qaadday oo waxa ay isku dayday inay daabacdo tifaftiruhu arrintaas wuxuu ka odhanayo, iyo sida ay wax u jireen iyo xaaladda meeshaas ka jirtay. Dhammaan akhristayaashii iyo dadkii sawirka arkay faallooyin taban ayay ka bixiyeen. Dadka qaar waxa ay yidhaahdeen ‘ Kevin, oo ah ninka sawirka qaaday waa qof aan bini’aadannimada waxba ka garanayn. Dhinaca kale, sawirkaas qaabka uu u qaaday iyo farshaxannimada sawireed ee ka muuqata darteed wuxuu ku guulaystay abaalmarinta AB