Faallaynta Buugga ‘ When There Was No Aid’
Hordhac
Buugga
la yidhaahdo ‘ When There Was No Aid ~ Marka
uuna jirin Gargaar” waxa qortay qoraa Sarah G. Philips. Qo0raa Sarah waa
qoraa iyo cilmibaadhe waxka dhigta Jaamacadda Sydney, sidoo kale waa Caawiyaha
Hormuudka kulliyadda dawladnimada. Waa
buug qaab cilmibaadhisa u qoran. Qoraa Sarah, waxa ay buugga ku eegaysaa
xaaladda Somaliland horraysa iyo danbaysaba. Waraysiyo badan ayay dad
Somaliland ku nool la yeelatay. Xigashooyin badan, waraysiyo, dooddo, IWM ayay
isku keentay, ka dibna buug dhammaystiran ka samaysay.
Qoraa
Sarah, taariikh guud bay ku noqonaysaa oo buugga kaga warramaysaa. Waxa ay
buuggeeda ka soo bilaabaysaa Soomaalilaan markii ay xornimada qaadatay
Sannadkii 1960kii, illaa laga soo gaadhayo sannadkii 2018kii, markii
Soomaalilaan iyo Putland dirirtu dhexmartay.
Waxa
aan isku dayi doonaa inaan si kooban uga warramo waxa uu buuggu daaranyahay.
Taariikhdii hore ee Soomaalilaan
Sannadkii
1960kii ayay SL xornimada ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska. Sannadkii 1961kii
Bishgii Juun ayaa afti la qaaday, aftidii ayay kula midowday Soomaaliya.
Sannadkii 1969kii waxa dhacay afganbigii Siyaad Barre dalkii Soomaaliya kula
wareegay. Sannadkii 1977kii waxa dhacay dagaalkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo
Itoobbiya. Sannadkii 1981kii Bishii Abril waxaa la sameeyaywUrurkii
Dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed ee ( SNM), waxaana si rasmiya loogu aasaasay
magaalada London. Sannadkii 1982kii bishii Febraayo waxa dhacay muddaharaadki
ay sameeyeen dhallinyaradii Uffo, qaar ka mid ah dhallinyaradaas ayaa la dilay,
kumannaana waa la xidhxidhay. Sannadkii 1991kii, Bishii Jannaayo xukunkii
Siyaad Barre ayaa la riday, Siyaadna wuu baxsaday.
Sidee Soomaalilaan ahayd sannadihii (
1991kii-2001dii)
Bishii
Febraayo, sannadkii 1991kii maamulkii SNM ayaa la shiray odayaashii ku noolaa
Soomaalilaan, si ay uga xaajoodaan in xabbadjoojin lagu dhawaaqo. Bishii Abril
illaa bishii May sannadkii 1991kii Shirkii Beelaha Soomaalilaan ayaa ka socday
magaalada Burco. Bishii May sannadkii 1991kii Somaliland ayaa toos uga go’day
Somaliya, waxaana madaxweyne loo doortay Cabdiraxmaan Cali Tuur. Sannadkii
1992kii waxa shaqaaqo ka dhex dhacday qaar ka mid ah beelaha deggan Gobolka
Saaxil iyo Gobolka Togdheer. Bishii Oktoobar, sannadkaas 1992kii waxa is
afgarad lagu dhammeeyay isk hor imaadkii beelaha deegaannadaas Saaxil iyo
Togdheer dega, waxaana lagu qabtay magaalada Sheekh.
Bishii
Jeenawari illaa May waxa shir ka socday Boorama,waxaana la waday dhismaha
Soomaalilaand, shirkaana waxa lagu doortay golaha Baarlamanka, iyo Madaxwayne,
kuxigeen IWM. Shirkaas waxa la isku raacay in laga guuray nidaamkii ku
meelgaadhka ahaa ee ay talada ku haysay SNM, taladana loo doorto Madaxwayne.
Halkaa waxa madaxwayne loo doortay Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal,
kuxigeenna waxa loo doortay Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.
Sannadkii
1994kii waxa dirir ka timid Garoonka Hargeysa, waxaana isku diriray beelihii
hore iskugu diriray Saaxil iyo Togdheer, dagaalkii wuu fiday illaa uu ugu
danbayn gaadhay illaa Burco, oo xataa dadkii qaxeen, illaa sannadkii 1996kii
wuu sii socday.
Sannadkii
1994kii waxa la sameeyay lacagta Shilling ka ah ee Somaliland, waxayna noqotay
lacagtii cusbayd ee Qaranka. Waxa ku guulaystay lacagtaa inuu sameeyo
Madaxwayne Cigaal AHUN.
Geeddisocodkii Somaliland ( 2000-2018)
Sannadkii
2001dii waxa afti laga qaaday dadka Somaliland, aftidu waxa ay ku saabsanayd
inay Soomaaliya ka go’aan iyo in kale, 97% dadkii ka mid ahi waxa ay u
codeeyeen in Somaliland ka go’do Soomaaliya.
Bishii
May sannadkii 2002dii waxa geeriyooday Madaxweynihii Soomaalilaan oo ahaa
Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxaana xilkii loo dhaariyay Madaxwayne
kuxigeenkii waqtigaas ee Soomaaliland oo ahaa Daahir Rayaale Kaahin.
Bishii
Diisambar sannadkii 2002dii waxa markii koowaad la qabtay doorashooyinkii
golayaasha Deegaanka. Waa markii ugu horraysay ee taariikhda Soomaalilaan la
qabto golayaasha deegaanka dawlaha hoose.
Bishii
Sibtanbar Sannadkii 2005tii waxa la qabtay doorashii golaha Wakiillada, waxaana
la doortay Xildhibaanno gole wakiillo oo cusub.
Bishii
Diisanbar sannadkii 2005tii wuxuu Madaxbannaanida Soomaalilaan iyo
qaddiyaddeeda ka hor jeediyay Midawga Afrika ( African Union). Bishii Sibtanbar
Sannadkii 2009kii waxa dalka Sucuudi Carabiya xannibay Xoolaha nool ee
Soomaalilaan u dhoofin jirtay.
Bishii
Juun sannadkii 2010kii waxa Soomaalilaan ka dhacay doorashadii Madaxtooyada.
Waxa madaxweyne loo doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuuna ka
guulaystay madaxwayne Daahir Kaahin.
Bishii
Abril sannadkii 2011kii maamulkii Madaxwayne Siilaanyo ayaa Baarlamanka u
gudbiyay xeer muran badan keenay oo ahaa xeerkii Isgaadhsiinta dalka.
Sannadkii
2012kii waxa markii labaad laga qabtay doorashadii golayaasha deegaanka.
Sannadkii
2013kii waxa la aasaasay Sanduuqa Horumarinta Somalilad ( Somaliland
Developmenta Fund). Waxaa wada saxeexay Dawladda Soomaalilaan iyo Ingiriiska
iyo Denmark. Sanduuqaasi waxa uu maamulaa lacagta debadaha iyo Hay’adaha ka
timaadda.
Bishii
Maarij sannadkii 2015kii waxa dib loo dhigay doorashadii Madaxtooyada iyo
doorashadii Golaha Wakiillada, waxaana loo asteeyay Bishii Juun Sannadkii
2015kii. Haddana dib baa loo dhigay, waxaana loo asteeyay Noofanbar sannadkii
2017kii.
Bishii
Maarij, sannadkii 2015kii waxa dib u bilowday wada hadalladii Soomaalilaan iyo
Soomaaliya.
Bishii
Julaay sannadkii 2015kii dalka Sucuudi Carabiya iyo dalka Isku-taga Imaaraadka
ayaa soo dalbaday inay isticmaalaan Dekedda Berbera, iyaga oo raba inay dekedda
u isticmaalaan dagaalkii ay kula jireen Yemen. Tani waxa ay sii xoojisay in
Somaliland galangal ku yeelato awoodaha Bariga Dhexe.
Bishii Sibtanbar sannadkii 2016kii dawladda Somaliland iyo Dalka Imaaraadka Carabta waxa ay kala saxeexdeen heshiis. Waxaana lagu heshiiyay in Imaaraadku waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale ku dhiso lacag gaadhaysa $250 Milyan. Sidoo kale Shirkadda DP World waxa ay horumarinta iyo maaraynta Dekedda Berbera ku maalgelisay lacag gaadhaysa $442 Milyan.
Bishii
Maarij, sannadkii 2017kii waxa ay dawladdii Madaxwayne Siilaanyo hormuudka ka
ahaa saxeexday heshiis muran badan dhaliyay, heshiisku wuxuu ku saabsanaa
Saldhigga Millateri ee Berbera. Sidoo
kale, isla sannadkaas waxa SL ka dhacay abaaro ba’an sida Qoraa Sarah xusayso.
Bishii
Noofanbar sannadkii 2017kii waxa SL ka dhacay doorashadii Madaxtooyada, waxaana
madaxwayne loo doortay Muuse Biixi Cabdi.
Sannadkii
2018kii waxa dirir iskala horyimid SL iyo Putland, muddo ku dhaw 10 bilood ayay
labada ciidan isku hor fadhiyeen deegaanka xuduudda ee Tukaraq. Halkaas waxa
lagu dilay dad ka badan 100 qof, dad bandanna way ku barakaceen sida qoraa
Sarah xusayso.
Maxay SL la gaar tahay?
Qoraa
Sarah, si guud waxyaabo badan oo SL aad ugu horrayso ayay xusaysaa waxa ka mid
ah:
1- Somaliland iyada oo aan caawimo
badan ka helin dawlahada Caalamka ayay iyadu iskeed horumar badan ugu
tallaabsatay.
2- Nabadda: Qoraa Sarah, waxyaabaha
ay Somaaliland ku amaanayso waxa ka mid ah Nabadda. Waxa ay xusaysaa in nabaddu
SL muhiim u tahay, xil adagna iskaga saaraan, xilkaas waxa caddaynaya sida ay
SL meelo badan ugu xuseen, Qoraa Sarah waxa ay buuggeeda ku xusaysaa inta: “ Heesta
Qaranku waxa weeyaan ‘ Nabad.’ Waxaana ka mid ah ‘ Samo ku waar.’ Erayga nabad
waxa Dastuurka lagu sheegay lix jeer, taasina waxa ay sheegaysaa in nabaddu
siyaasadda qaranka bud’dhig u tahay; sidoo kale ilaalinta nabadduna waa mid ka
mid ah masu uliyadaha Dastuuriga ah ee Madaxweynaha…”
3- Doorashooyin: SL waxa ka dhacay
Doorashooyin badan, doorashooyinkaas oo dhami waa kuwo sumcad badan caalamka
uga soo jiiday.
Gebagebo
Buuggu
waa mid muhiima, waxbadan ayuu qofka u kordhinayaa. Marar badan ayay muhiim
tahay inaan akhrino waxyaabaha ajaanibku innaga qoraan. Waayo, waxa dhici karta
in ajaanibta iyo caddaanku dacaayad aan dalka ool innaga faafiyaan, ama wax aan
jirin keenaan. Si taas aan uga hortagno waa inaan waxa ay innaga qoraan
akhrino.
W/Q:
Cabdirisaaq Sandheere
15 May,
2022.
Comments
Post a Comment