Posts

Showing posts from November 21, 2021

Sookoobidda Buugga “ Leadership Development~ Horumarinta Hoggaaminta.”

Image
  Hordhac Buugga waxa qortay Rosemary Ryan. Rosemary, waa qoraa arrimaha maamulka, siyaasadda, iyo ganacsiga wax ka qorta. Sidoo kale, waa orodyahan, iyo ciyaartoy. Buugga waxa ay soo saartay 2007dii. Waxa uu ka koobanyahay 288 Bog. Si guud, waxa ay kaga horreysaa hoggaaminta wanaagsan, iyo sida loo horumariyo. Hoggaamintu dhinacyo badan ayay gashaa, kaliya waddan uun maaha. Maamulidda shirkadaha, ganacsiga iyo dugsiyaduba waa hoggaamin. Qoraayaddu waxa aad mooddaa hoggaaminta ganacsiga inay buugga aad ugu dheeraanayso. Anigu si guud ayaan u eegi, oo hoggaaminta guud ayaan tilmaami. Nuxurka Buugga Hoggaamiyuhu waxa uu u baahanyahay inuu horumar sameeyo, si uu u qabto saddexdan arrimood: 1-       Inuu gaadho u jeeddadiisa qofeed. 2-     Inuu dadka uu hoggaaminayo horumar gaadhsiiyo. 3-      Inuu dadka kale u abuuro deegaan ay ku horumaraan. Qoraayaddu marka koowaad, waxa ay kala duwaysaa, oo ay sheegaysaa waxa ay ku kala duwanyihiin labada eray ee Maamule ‘ Manager’, i