Sookoobidda Buugga “ Leadership Development~ Horumarinta Hoggaaminta.”

 

Hordhac

Buugga waxa qortay Rosemary Ryan. Rosemary, waa qoraa arrimaha maamulka, siyaasadda, iyo ganacsiga wax ka qorta. Sidoo kale, waa orodyahan, iyo ciyaartoy.

Buugga waxa ay soo saartay 2007dii. Waxa uu ka koobanyahay 288 Bog. Si guud, waxa ay kaga horreysaa hoggaaminta wanaagsan, iyo sida loo horumariyo. Hoggaamintu dhinacyo badan ayay gashaa, kaliya waddan uun maaha. Maamulidda shirkadaha, ganacsiga iyo dugsiyaduba waa hoggaamin. Qoraayaddu waxa aad mooddaa hoggaaminta ganacsiga inay buugga aad ugu dheeraanayso. Anigu si guud ayaan u eegi, oo hoggaaminta guud ayaan tilmaami.

Nuxurka Buugga

Hoggaamiyuhu waxa uu u baahanyahay inuu horumar sameeyo, si uu u qabto saddexdan arrimood:

1-      Inuu gaadho u jeeddadiisa qofeed.

2-    Inuu dadka uu hoggaaminayo horumar gaadhsiiyo.

3-     Inuu dadka kale u abuuro deegaan ay ku horumaraan.

Qoraayaddu marka koowaad, waxa ay kala duwaysaa, oo ay sheegaysaa waxa ay ku kala duwanyihiin labada eray ee Maamule ‘ Manager’, iyo hoggaamiye ‘leader.’ Ama maamul ‘ Management’ iyo hoggaamin ‘ Leadership.’ Waxa ay ku kala duwaysaa:

1-      Waxa ay ku kala duwanyihiin dhinaca JIHAYNTA

B) Maamulku waxbuu qorsheeyaa, lacagtana wuu u dejiyaa, inta badanna waxa uu xoogga saaraa dhinacyada hoose.

T) Hoggaamintu aragti iyo Istaraatijiyado ayay leedahay, waxayna xooggasaartaa hareeraha.

     2-  Wax kale oo ku kala duwanyihiin dhinaca HABAYNTA

        B) Maamulayaashu waxbay habeeyaan, shaqaalaysiinna way sameeyaan,              waxbay agaasimaan, wayna kaantaroolaan, waxayna abuuraan xuduudo.

         T) Hoggaamiyayaashu waxa ay abuuraan dhaqan, iyo qaayasoorro ( Qiyam) la wadaago oo loo dhanyahay, kuwa kalana waxa ay ku caawiyaan inay koraan, waxa ayna yareeyaan xuduudaha.

    3-  Wax kale oo ku kala duwanyihiin dhinaca XIDHIIDHKA

   B) Maamulayaashu waxa ay xooggasaaraan shaqada (sida wax iibinta, soo iibsashada, alaabta, adeega IWM). Ninka ugu sarreeyaa awoodda ayuu ka faa’ideystaa oo awood buu isbidaa.

  T) Hoggaamiyayaashu waxa ay xooggasaaraan dadka ( sida dhiirrigelinta, iyo wax u sheegga shaqaalaha). Waxa ayna sameeyaan tababbar, fududayn iyo qaab ka dhaadhicin ah.

4- Wax kale oo ku kala duwanyihiin dhinaca SIFOOYINKA SHAKHSIYADEED

 B) Maammulku waxa ay leeyihiin xirfado urureed, xallinta khilaafaadka IWM.

T) Hoggaamiyayaashu waxa ay leeyihiin aragti istiraatijiyadeed, maskaxfurnaan, waxa ayna wayddiiyaan dadka hal’abuurro.

5- Wax kale oo ku kala duwanyihiin dhinaca NATIIJADA

 B) Waxa ay iska ahaadaan sida caadiga ah.

T) Waxa ay abuuraan isbeddel.

Qoraayaddu waxa ay soo qaadanaysaa ‘ Qaababka Hoggaaminta ~ Leadership Styles.’ Iyada oo ka soo xiganaysa qoraaga buugga ‘Emotional Intelligence’ mudane Daniel Goleman, oo waraystay 4000 maamulayaal sare, waxa uu u qaybiyay 6 qaab:

1-       Coercive – Waa hoggaamiyaha dadka ku yidhaahda ‘ Qabta waxa aan idiin sheego ~do what I tell you’

2-       Visionary – Waa hoggaamiyaha dadka ku yidhaahda ‘ Aniga isoo raaca~ come with me.’ Shicibka ayuu horkacayaa. Wuxuu leeyahay astaamahan; mustaqbalka dheer ayay ka fekeraan, dadka sheekooyin sawirka ka siiya dhinaca ay u socdaan ayay uga sheekeeyaan, waa kuwo lagu daydo oo Rool Moodal ah, waa aftahanno aragti iyo hiraal leh, IWM.

3-       Affiliative – dadka ayay isku keenaan oo waxa ay u sameeyaan hab ay u wadashaqeeyaan. ‘people come first’ waxa ay horumariyaan xidhiidhka, waxa ayna dhiirrigeliyaan in wax la wadaago.

4-       Democratic – Waa ka dadka wax wayddiiya ee shicibka aragtidooda tixgelinta ‘what do you think’. Astaamahooga waxa ka mid ah; in la isdhegaysto, fekerrada shicibka la dhegaysto, wadashaqayntana way ilaaliyaan.

5-       Pace setting – Waa kuwa sida degdega ah ee wanaagsan wax u qabta ‘do it better and faster’

6-       Coaching – Waa ka shicibka tababbara ee wax isku daya yidhaahda ‘try this’ dhinaca horumarka, dhisidda xirfadda iyo mustaqbalka ummadda ayay xooggasaaraan.

Afartan (Visionary, Democratic, Affiliative, Coaching) ayaa ugu caansan oo aad mooddaa in qoraayo badan isku raaceen, qoraayadduna afartan ayay sii xoojinaysaa.

Horumarinta Hoggaaminta

1-      Inuu qaabkiisa barto hoggaamiyuhu.

2-    Inuu sameeyo koox isku xidhan ( Team work).

3-     Inuu isbeddel dadka uu maamulayo u diyaarayo.

4-    Inuu xidhiidh ballaadhan sameeyo.

5-     Inuu riyo, iyo hiraal leeyahay.

6-    Inuu hal’abuur cusub la yimaad.

Gebagebo

Buuggu waa buug aad u baallaadhan. Waxyaabo badan ayuu ka warramayaa. Qaar ka mid ah ayaynu soo qaadannay. Waxa aan anigu xooggasaaray dhinaca maamulka. Dhinaca uu kaga warramayo ganacsiga aad uma sii dhexgelin. Dhinaca hoggaaminta guud ayaan soo qaatay. ]

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

May 25, 2020.

03 Shawaal, 1441.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?