Posts

Showing posts from September 23, 2018

Marka Cabbirku khalkhalo Waxaa Dayacanta Xuquuqda!

Image
Markii uu Maalik Binu Nebi, daraasad gundheer ku   sameeyay geeddisocodka nolosha, marrinka dawladaha, iyo dhismaha ilbaxnimada iyo burburkeeda waxa uu helay Qaaciido muhiim ah. Waxaanna weeyi in dawladaha guuleystay iyo shacbiyadaha guuleystay   ay socodkooda ka soo bilaabaan Caalamka fekerka, iyaga oo saxaya, dheellitiraya oo difaacaya misana ilaalinayana. Dabadeed, ay dadku sameeyaan waxyaabaha cusub iyo shey’yo.   Rasuulku SCW wuxuu dacwaddiisii ka bilaabay caalamka fekradaha, caqiidada iyo waxsawirashada. Wuxuu dhaqaajiyay caqliyadii fadhiyay, wuxuunna la dagaallamay fekerradii bakhtiyay ee dadka dilayay. Wuxuu dadkii ku qanciyay fekerro cusub oo nool, dadkana noolaynaya. Halkaas ayay ka bilaabantay in ummaddu jirrid awood leh ku taaganto, khuraafaadkana diiddo. Aynna muqaddas ka dhigin qofka, iyo sanamyada ee ay marxaladdii Carruurnimada ku dhaafaan caqli toosan iyo feker iftiimaya. Galbeedka waxaa ka jirta khibrad soo bilaabantay casrigii iftiinka (Horumarka). Halkaasi