Posts

Showing posts from December 15, 2024

Faallada buuga ‘ Attitude Is Everything ~ Habdhaqanku waxkasta isagaa ka mudan”

Image
Hordhac Buugan la yidhaahdo ‘ Attitude Is Everything” waxa qoray qoraa   Jeff Keller . Qoraagu waa qoraa wayn oo wax ka qora arrimaha habdhaqanka, caadada IWM. Buugan wuxuu soo saaray sannadkii 1999kii.   Wuxuu kaga warramayaa in habdhaqanku waxkasta yahay oo muhiim iyo lafdhabar u yahay shaykasta. Habdhaqankaagu waa shayga kaliya ee aad waxkasta ku maarayn kartid. Had iyo jeer ma xakamayn kartid duruufaha, balse markasta waad xakamayn kartaa habdhaqankaaga.; habdhaqankaaguna wuxuu go’aaminayaa sida aad uga falcelisid xaaladaha jira. Nuxurka buuga 7 cashir oo laga baran buuga 1-       Habdhaqankaagu waa daaqadda adduunyada aad ka galaysid: Qoraagu wuxuu carrabka ku adkaynayaa in habdhaqankaagu go’aamiyo sida aad usoo jiidanaysid una falgalaysid dunida. Habdhaqanka wanaagsani wuxuu kuu oggolaananayaa in aad aragtid fursadaha iyo waxyaabaha suurtagalka ah; halka habdhaqannada xunxuni ay awoodaada xaddidayaan. 2-     2- Feker...