Faallada buuga ‘ Attitude Is Everything ~ Habdhaqanku waxkasta isagaa ka mudan”


Hordhac

Buugan la yidhaahdo ‘ Attitude Is Everything” waxa qoray qoraa  Jeff Keller. Qoraagu waa qoraa wayn oo wax ka qora arrimaha habdhaqanka, caadada IWM. Buugan wuxuu soo saaray sannadkii 1999kii.  Wuxuu kaga warramayaa in habdhaqanku waxkasta yahay oo muhiim iyo lafdhabar u yahay shaykasta.

Habdhaqankaagu waa shayga kaliya ee aad waxkasta ku maarayn kartid. Had iyo jeer ma xakamayn kartid duruufaha, balse markasta waad xakamayn kartaa habdhaqankaaga.; habdhaqankaaguna wuxuu go’aaminayaa sida aad uga falcelisid xaaladaha jira.

Nuxurka buuga

7 cashir oo laga baran buuga

1-      Habdhaqankaagu waa daaqadda adduunyada aad ka galaysid: Qoraagu wuxuu carrabka ku adkaynayaa in habdhaqankaagu go’aamiyo sida aad usoo jiidanaysid una falgalaysid dunida. Habdhaqanka wanaagsani wuxuu kuu oggolaananayaa in aad aragtid fursadaha iyo waxyaabaha suurtagalka ah; halka habdhaqannada xunxuni ay awoodaada xaddidayaan.

2-    2- Feker, hadal, oo si togan uga falceli: Buugu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda ay maskaxda togani ku leedahay habfekerkaaga, erayadaada, iyo ficilladaada. In aad dooratid habfeker togan, si wacanna u hadashid waxa aad naftaada u abuuri kartaa deegaan awood leh.

3-     Waxa aad soo jiidanaysaa dadka: Qoraagu wuxuu sharraxayaa in habdhaqankaagu awood kugu kordhinayo. Habdhaqanka wanaagsani wuxuu noloshaada ku soo kordhinayaa khibrad, iyo dad wanaagsan; halka habdhaqanka tabani uu kaa fogaynayo fursadaha iyo xidhiidhada. In aad abuurtid tognaani waxa ay xoojinaysaa isdhexgalka aad la leedahay bulshada iyo khibraddaada.

4-    Caqabadaha u baddel fursado: Qoraagu wuxuu akhristayaasha ku dhiirrigelinayaa in ay caqabadaha u arkaan sidii fursado oo kale, fursadahaas oo koritaan keenaya. In aad caqabadaha xallisid waxa ay keenaysaa adkaysi, waxaanad helaysaa xalal hal’abuur leh; waxayna kugu hoggaaminaysaa in aad horumarisid naftaada iyo xirfaddaadaba.

5-     Awoodda ka go’naanshaha: Qoraagu wuxuu carrabka ku adkaynayaa in ka go’naanshaha yoolku yahay seeska guusha. Marka ay ka go’antahay ee dhiirrigashantahay waxa kuu dhaw ama kuu fudud in aad tallaabooyin qaadid si aad u gaadhid yoolkaaga, ugana takhallustid caqabadaha.

6-     Jooji cabashada: Qoraagu wuxuu ku talinayaa in aanu qofku caban, oo wuu ka soo horjeedaa, waayo cabashadu waxa ay keentaa maskax taban, waxayna caqabad ku tahay horumarka. Taas baddelkeeda, qoraagu wuxuu akhristayaasha ku dhiirrigelinayaa in ay diiradda saaraan xalalka, iyo in ay qaadaan tallaabooyin hore u socod ah si ay u horumariyaan xaaladahooda, iyo in ay xoojiyaan habdhaqanka togan.

7-     Ku xidhnow dadka wanaagsan: Naftaada ku hareeree dadka saamaynta wanaagsan leh, taasaa u muhiim ah in qofku yeesho habdhaqan caafimaadqaba. Qoraagu wuxuu xusayaa in haddii qofku xidhiidh wanaagsan la yeesho dadka dhinaca wanaagsan wax ka eega iyo shakhsiyaadka wax dhisaa in ay qofka dhiirrigelinayso oo keenaysa in qofku la qabsado habfekerka iyo habdhaqanka, iyo in ay xoojiso waxkasta oo noloshiisa taageeraya.

Gebagebo

Cashirradan laga baranayo buuga qoraa Jeff Keller waxa uu inna siinayaa qodobbo dhaxalgala oo ku saabsan in qofku ku baraarugsanaado awoodda habfekerka, wuxuuna xoojinayaa in dhinaca togan wax laga eego, ka go’aanta qofka ee waxqabadka, iyo in qofku yeesho habdhaqan hore usocod ah siu u u gaadho guul.

 

Diyaarin: Dr. Fami ( English)

Sookoobid: Cabdirisaaq Sandheere

Nof. 2024

 

 

Comments