Posts

Showing posts from April 22, 2018

Waa Maxay SDGs?

Image
                           SDGs waxaa loo soo seemtaa Sustainable Development Goals. Haddii aan Soomaaliyayno waxa ay noqonaysaa Ujeeddooyin Horumarineed ee loo baahanyahay. Sidoo kale waxaa loo yaqaan the (Global Goals for Sustainable Development ~ Ujeeddooyinka Caalamiga ah loona baahanyahay ee Horumarineed). Waxaana Hormuud ka ah Qarammada Midoobey (United Nations). Qarammada Midoobey waxaa xoghaye guud ka ahaa Bank Moon. Isaga oo dhawr sano joogana waalla bilaabay qorshaha. Qorshahan waxaa la bilaabay January 2015;   waxaanna la dhammeeyay August 2015 . Waxaa si saxa loo daahfurey September 2015, waxaa lagu gardaadiyay magaalada New York ee  Maraykanka. Tiro ahaan waxa ay ka koobanyihiin 169 ujeeddo, duuduub ahaanna noqonaya 17 qodob─oo midkastaa muhiimaddiisa gaar ahaaneed leeyahay, una baahantahay tixgelin. Waa qorshaha la rabo in la cagadhigto 2030.   Qorshahani wuxuu baddelay qorshe la odhan jiray Millennium Development Goals  (MDGs) oo la dejiyay daba