Posts

Showing posts from November 25, 2018

Khudbaddii Jimcaha: Dhallinyarada iyo Shaqada

Image
Khudbad taxane ah, oo Jimce kasta qodob muhiim ah la daraaseeyo ayaa noo socota. Waxa ay ku saabsantahay dhallinyarada iyo doorka ay ku leeyihiin hayaanka nolosha, dhinackasta. Wuxuu ka soo warramay; dhallinyarada iyo hadadka, dhallinyarada iyo jaceylka, dhallinyarada iyo guurka. Waxaa soo jeediya Ustaad  Abdisalam Hassan Muse . Waa khudbad waqtigeedii timid, oo loo baahanyahay. Misana aad u faa'ido badan oo raandhiisle. Khudbadda maanta ee Ustaadku soo jeediyay waxa ay ku saabsanayd mawdduuc kuwaa hore xidhiidh la lahaa, wuxuu ahaa dhallinyarada iyo shaqada. Waxbadan ayuu iftiimiyay Ustaadku. Khudbaddu waqti badan ayay socotay, ma wada qori karnee, waxyar oo kooban ayaynu ka soo qaadan. Markii koowaad, waxa uu Ustaadku soo koobay muhiimadda ay shaqadu leedahay, iyo sida uu Islaamku u dhiirrigeliyay shaqaysashada, iyo Aayadaha Qur'aan ka ah ee ka warramaya arrintaa. Qur'aanku aad ayuu uga hadlaa shaqada iyo xoogsashada. Aayad Qur'aan ahi waxa ay ahayd ‘ Waxa aa