Posts

Showing posts from February 11, 2018

SIYAASADDA WAXA KU JIRTA SIR!

Image
           SIYAASADDA WAXA KU JIRTA SIR! 1-       [Imaam] Al-Qasaali wuxuu yidhi: Waalidu waa fan. Anna waxa aan idhi: Faqrigu wuxuu leeyahay noocyo, noocyaddiisa ta ugu khatarta badanina waa ta fekradda ku dhacda ( Faqriga fekerka). Sabobta oo ah noloshu dhammaanteed waa caalamkii fekradaha [ Fekradahaa lagu hadlaa]. Gef kasta oo dhaca waxaa uu ka yimaaddaa, kana dambeeya   fekerka. 2-   Siyaasaddu ma aqbalaso firaaqada [Waqtiyada bannaan], Faransiyiintu waxa ay yidhaahdaan: ‘‘ Dabeecaddu ma oggola firaaqada.’’ Markey Carabtu is kaga tagto saaxadda Soomaalida, cid kalana uga tagto, Afrikana ay ka bannaannaadaan sababo dhuleed, iyo, kuwo siyaasadeed, maalinna uu yimaado Turkiga oo qorshe istaraatijiya wata [haysta], oo aan dhuganno madaxda Masar   oo ku hanjabaya khatar, matalayana ( Arab National Security- Golaha Ammaanka ee Carabta). 3-   [Waddanka] Eratariya dhexdiisa, waxaa jirta xeer Israa’iili ah oo muhiim ah, Jabbuutina waxaa jira tobannaan xeer oo muhiim ah oo ka y

TALO KU SOCOTA , DHALLINYARADA DANAHA GAARKA AH DIINTA U ADEEGSADA!

Image
TALO KU SOCOTA , DHALLINYARADA DANAHA GAARKA AH DIINTA U ADEEGSADA! Waayahan danbe waxaa soo badanaya in dhallinyaradii ay wadaaddadii uun cay u miisayaan, iyaga oo aanan waxba tixgelineyn. Wadaadku haddii uu wax caado ah yidhaa ma bannaana, isaga   Aayado ama Xadiista daliishanaya; waa sax─oo isagu wax dhaliil ah ma laha. Waayo, isagu ma xaaraantimeyn mana bannayne ALLIHII weynaa ayaa xaaraantimeeyey ama xalaaleeyey. Ta kale, isagu kaliya wuxuu leeyahay wax sheegga iyo in wixii uu gacanta ama awood wax kaga qaban karo uu kaga qabto, balse, malaha, in uu qasbo kii diidana la dagaalamo. Tusaale ahaan; Haddii dawladu wax samayso ama xoolo cunto, in uu u sheego waa waajib, ha diiddaan ama yeelaan’e. Waxa ay dadka (Naceybka wadaaddadu) ka badatey yidhaahdaan; Waar Wadaadku ma masaakiinta ayuun buu ka adegyahay oo uu wax faraa, sida: Xijaabka halla xidho. Habluhu ha is asturaan. Muxuu uga hadli waayey xoolaha masaakiinta ee la cuney, qabyaaladda, dhaca, musuqmaasuqa???? W

GUMEYSIGA MASKAXDA!

Image
                                      GUMEYSIGA MASKAXDA! Gumeysigu wuu noocyo badan yahay oo caynba-cayn. Waxaa   jira mid dhaqaale, mid dhuleed, mid siyaasadeed, mid maskaxeed IWM. Ka ugu xun waaka maskaxda─ waana kaan u dhareerinayo sheegistiisa. Gumeysigu maskaxdu wuxuu curyaamiyaa maskaxda, wuxuuna sida furuqa ugu furaa dullinnimo iyo dalabaabi is-hoos-dhigiddu hoggaamiso , wuxuunna qofka naftiisa u diidaa “is-ahaansho ~ Pluralism,” iyo isku filnaasho. Qofka marka maskaxd laga kireysto ama macnawi ahaan ( معنوي ) laga qabsado wuu kala hadlaa oo hawada ayuu sida huubaha kala raacaa! Waana sababta mararka qaar qofka loo yidhaa muuqiisa duleed uun baa hebel nool. Qofkuna hadduu maankiisa isku hagi waayo, hagardaamo kama dhamaato, hadallo iyo huuhaa laga fiicanyahayna wuu ku hadaaqaa sidii dhallaanka, carruurta! Gumeysigaa waxaa ka mid ah Guul wadeynta.Guul wadeyntu, asal ahaan waxa ay ka timid (Guul iyo wade) waa erayo fiican marka sidaa loo kala qaado ee midba

GORFEYNTA DHIGANAHA “REJADII RUMOWDEY”,EE LAGA QOREY MD. AXMED MAXAMED SIILAANYO.

Image
GORFEYNTA DHIGANAHA “REJADII RUMOWDEY”,EE LAGA QOREY MD. AXMED MAXAMED SIILAANYO. Marka koowaad Ilaahay (Suxaanahuu watacaalaa) ayaa mahad iska leh. Intaa ka dib Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa: “Afeef hore lahaw ama adkaysi dambe lahaw”, waxa aan ka afeefanayaa in aannu ujeedkeygu aheyn wax ka sheega qooraga ama weerar shakhsiyadeed “Personal attact”oo aan ku samaynayo qoraayadda buuggan,laakiin aan rabo in aan bidhaamiyo wixii aan buugga kala kulmey ee taariikha. Marka koowaad aan dhareerka dib u celiyo oo aan u hambalyeeyo qoraayada buuggan Ubax Siciid Cabdile oo ku dhiiratey in ay qorto buuggan xoog iyo xeeladna galisay. Hambalyo. Buuggan la magacbaxey “Rejadii Rumowdey”,waan akhriyey,waqti fiicana waan ku akhriyey, muddo badana ay agtey duu yaaley. ka dib waxa aan go’aansadey wixii iiga soo baxay in aan asxaabta la wadaago, iin iyo awoodda uu leeyahayba. Filashadii ama rajadii aan ka qabey ma buuxinin buuggu,waxa aan filayey in uu waxyaabo badan oo xagga taariikhda ah i

WAQTIGIITAGEY XIKMAD BAA KU SUGAN, KA SOO SOCDANA HIDDIDDIILO!

Image
WAQTIGIITAGEY XIKMAD BAA KU SUGAN, KA SOO SOCDANA HIDDIDDIILO!   Waxyaabaha ay ammintu gaar ka la tahay, waxaa ka mid ah:   in aynna joogsan marna, in aan dib loo celin karin, iyo in uu degdeg u socdo. Waxaa oo dhan, waxaa ay ku shaqeeyaan sunne Ilaahiya oo abuuraha (Allah) xaggiisa jira. Sunnadanna waxa ay imanasaa marka uu Allah   meel abuuro. Amminna waa loo helayaa. Ammini ma jirto meel/ goob la’aan. [Amminta iyo meesha] waxaa ka dhexeeya xidhiidh. Laakiin, bini-aadamka kaliya uun baa dareema amminta. Wuxuuna u dhexeeyaa amminta iyo goobta. Amminta waxaa la helay bini-aadamka hortii.   Sidaa si la mid ah gooobtana/meeshana, amminta horteed baa la helay. Laakiin, habsami u socodka bini-aadamka   ee goobta, iyo waayaha waxaa ka dhasha qiimaha amminta (Waqtiga). Sabobta oo ah, dareemidda jiritaankooda [Amminta iyo goobta]   waxaa ku dhammaystirmaya abuuridda jiritaankan cusub( Bini-aadamku wuxuu u dhexeeyaa beri iyo galbeed).