GORFEYNTA DHIGANAHA “REJADII RUMOWDEY”,EE LAGA QOREY MD. AXMED MAXAMED SIILAANYO.



GORFEYNTA DHIGANAHA “REJADII RUMOWDEY”,EE LAGA QOREY MD. AXMED MAXAMED SIILAANYO.

Marka koowaad Ilaahay (Suxaanahuu watacaalaa) ayaa mahad iska leh. Intaa ka dib Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa: “Afeef hore lahaw ama adkaysi dambe lahaw”, waxa aan ka afeefanayaa in aannu ujeedkeygu aheyn wax ka sheega qooraga ama weerar shakhsiyadeed “Personal attact”oo aan ku samaynayo qoraayadda buuggan,laakiin aan rabo in aan bidhaamiyo wixii aan buugga kala kulmey ee taariikha. Marka koowaad aan dhareerka dib u celiyo oo aan u hambalyeeyo qoraayada buuggan Ubax Siciid Cabdile oo ku dhiiratey in ay qorto buuggan xoog iyo xeeladna galisay. Hambalyo.


Buuggan la magacbaxey “Rejadii Rumowdey”,waan akhriyey,waqti fiicana waan ku akhriyey, muddo badana ay agtey duu yaaley. ka dib waxa aan go’aansadey wixii iiga soo baxay in aan asxaabta la wadaago, iin iyo awoodda uu leeyahayba. Filashadii ama rajadii aan ka qabey ma buuxinin buuggu,waxa aan filayey in uu waxyaabo badan oo xagga taariikhda ah iga haqabtiri doono, laakiin,nasiib-darro kama helin. Waxbadanna wuu iskaga key laaqeyba.


Buuggu wuxuu ka hadlayaa Taariikhda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxaana qortey Ubax Siciid Cabdille. Waa buug ka kooban 213 bogg. Magaciisa guudna waxaa la yidhi waa:”Rejadii Rumowdey” far waaweyna ayaa lagu qorey. Waxaana la hoos galiyey oo taa hoosteeda lagu qorey cinwaan kale oo aan fahmi waayey dhinac aan uqaado oo ah ”Himiladii Halyeyga”. Waxa aan u kala saari waayey ma magac labaad oo buuggu leeyahaa? Mise kaa hore ee ah: ”Rejadii Rumowdey” ayuu ku lifaaqanyahay? Mise waa xayeysiis? Mooyi.


Markaad buugga kala furto,waxa aad wareer ka qaadasaa qaabka uu uqoranayahay ama habraaca(Methodology) loo cuskadey qoraalka buugga. Ma sheeko taxana aa? Ma taariikhbaa? Ma sheeko xariirbaa? Ma cilmi baadhisbaa? Ma …….? Ma..? wad uun su’aalaha. Waxa aad odhan kartaa waa booshaaq sidii gaaraa bidhaan kolba meel ka hillaacaya oo wax ka laga roonyahay wax kasoo daadinaya!


Inta aanad gaadhin tusmada,mahadnaqa IWM. Waxa aad bogga saddexaad(3) ku arkasaa su’aalo dhawr ah, oo aan meesha looga baahneyn,baadina ku ah halkan ayku qoranyihiin kuna soo qaldamey! Su’aalahaasi haddii aan waxka mid ah kula wadaago waxa ay yihiin: Maxaa ka qabsoomey qodobaddii ku qornaa buugga cagaaran ee kulmiye ololaha ku galey? Maxaa ka dhaboobey ballanqaadkii xisbiga Kulmiye shan sanno ka dib? Iyo kuwo kale. Su’aasha is weydiinta mudan waxa ay tahay: maxaa halkan keenay su’aalahan iyada oo ay jirto meel kaga habboon oo lagu qori karo inta lagu jiro qorida buuggan? Malaheyga,waxaa ila qumaneyd in kumanaan shey oo ka mudnaa in laga horreysiiyo oo muhiimadda koowaad la siiyo oo halkan lagu qoro. Buuggu ma xisbibuu ka hadlayaa mise taariikh qofeed? Taariikh qofeed. Haye maxaa halkan keenay su’aashan xisbiga khuseysa?


Boggaa markaad soo rogto ee aad ka ku xiga ee afraad(4) eegto,waxaa isha kaa qabanasa cinwaan weyn oo far aad u waaweyn ku xardhan lana yidhaa:“ Way rumeebeen”, qaabkanna u qoran:“ WAY RUMOOBEEN”. Waxaana kasii hooseeya inyar oo lagu leeyahay: “Macnaha uu xambaarsanayahay buugga rejadii rumowdey”. Cajiib. Haddaba heedhe intaasi la leeyahay “way rumoobeen” waa maxay? Ujeedada halkan loo keenay maxay tahay? Taan la yaabay amakaaga iyo anfariir igu ridey waxa weeyi buuggu maba laha wax hordhac ah. Waa arrin ku tusinasa habqoraalka liita ee dhiganahan la faruurey.
Laga yaabaa markii ay ka tagtey hordhicii in ay ku baddelatey kan ah “WEY RUMOOBEEN”. Waa qaab cusub miyaa oo ay noo hindistey? Haddey noo hindistey ma duuduubey noogu sheegasaa? May noo caddeyso? Oo intey aqoonyahanka isku yeedho qaabkan cusub ay hindistey ay noo sharraxdo? Ta kale,buugga in hordhac laga tegaa miyeyna gef aheyn? Halkeed ku aragtey buug bilaa hordhaca(Introduction)? Illeyn hordhacu waa kadinka ama albaabka laga galo qoraalka ama buugga aad akhriyeyso. Waa gef habqoraalka toolmoon laga galey in hordhacii laga xarragoodo.


Ka rog oo haddana saar. Markaad waxoogaa sii akhrido intaanad meelo kale gaadhin waxaad isha qac ku siinasaa cinwaanka loogu magacdarey: “ Halku-dhegga buugga” higaad ahaana buugga sidan ayuu ugu qoran:“ HALKU DHIGA BUUGA”. Markaad akhrido cinwaanka hoos fiiri waxa ku qoran,dhammaantood way wada qaldan yihiin hingaad ahaan.
Waxayna u qoranyihiin sidan:
1-Hankaagu Inuu Hirgalo Hawl bey Kugu Qaadataa.
2- Qabo Ama Ii Qir.
3-Xisaabta Hantidii Umadayda Hilinka Hogaanka Toosan.
4-Riyadu Waxa ay U Rumowdaa Dadka Riyooda Oo Keliya.
5-Dhaxal Buu Iiga Tegay.
6-Dhaliil Xumi Waxma Toosiee waybay Dumisaa.
7-Haddaad Qarin Lahayd Rabaan Qarinayn.
8-Wacyi Gellin Bulsho, Waxyeeliyo Xumaan Ka Dheer.
9-Wax Wada Qabsi Buu I Baray.
Aan saxno bal intaa xagga sare ku qoran:
1- Hankaagu in uu hirgalo,howl bey kugu qaadataa.
2- Qabo ama ii qir.
3- Xisaabta hantidii ummadayda, hilinka hoggaanka toosan.
4- Riyadu waxa ay u rumowdaa dadka riyooda oo kaliya.
5- Dhaxal buu iiga tagey.
6- Dhaliil xumi waxma toosisee waybay dumisaa.
7- Haddaad qarin lahayd rabbaan qarinayn.
8- Wacyi gelin bulsho, waxyeelo iyo xumaan ka dheer.
9- Wax wada qabsi buu i baray.
Erayadu sida ay u qoranyihiin waan saluugey. Dhamaantood waa qalad ,waxayna meel kaga dhacdey xeerkii la odhan jirey: (Waaweyneynta xuruufta-Capitalization ama capital letter),oo ah xeer sheegaya in la weyneeyo kaliya joogsi kasta xarafka ka dambeeya, ama marka hadalka la bilaabayo.


Intaa markaad ka timaado waxa aad galasaa “Gogoldhigga”. Waxa aad moodaa in waxa lagu qorey aana loogu talo gelin. Waayo,waxaa lagu qorey wixii lagu qori lahaa hordhaca oo waxaa lagaga sheekeeyey wuxuu buuggu ka sheekeynayo. Sida caadiga ana way kala duwanyihiin gogoldhigga iyo hordhacu. Waxa ay kala leeyihiin ujeedooyin kala duwan oo lagu kala qoro-hordhaca iyo gogoldhigguba. Halkaasi waxa ad moodaa in gogoldhigga buugga aan loo meeldayin.
Arrinta iyadu yaabka lihi waxa ay tahay,in buuggu taariikh nololeedka dhan ee qarniga ku dhaw uu ku soo ururinayo ama ku soo koobayo wax aan gaadheyn toban bogg(17-25),siddeed kaliya ayey walaasheen Ubax ku soo ururisay madaxweyna dhalashadiisii illaa intuu xilka qabanayey! Waa yaab iyo amakaag! Waxaa is weydiinta mudan baa waxa ay tahay:sidee bay suurta gal u tahay in madaxweyne taariikh nololeedkiisu dhawr buug buuxinayo, lehna taariikh qarni ku dhaw( ka bilow dhalasho,waxabarsho dugsi hoose/dhexe,sare heer jaamacadeed,waqtigii uu shaqada bilaaabey,inta meelood ee uu kasoo shaqeeyey,noocyada shaqo ee uu qabtey,waxyaabihii uu kala kulmey,waqtigii uu siyaasada kusoo biirey, intii xisbi ee uu galey ama ku biirey, inta xil ee uu soo qabtey,mid kasta wixii uu qabtey.. wad uun ilaa laga soo gaadhayo xilligii uu madaxweynaha noqdey.) Siddee siddeed bogg loogu soo koobaa? Waxqabad uu shan sanno qabteyna looga badiyaa taariikhda guunka ah ee waayaha badan jirtey. Hagardaamooyinka buuggey ka mid tahay in sidaa loo qoro taariikh nololeed qofeed(Biogarphy).


Ka dar oo dibi dhal.Buuggu sidiisaba waa maqaallo la ururiyey,marka aad akhiriyasana waxa aad mooddaa in aad akhriyeyso jaraa’id! Maqaaladda ku qorana waa ergis,waxayna ku jac dhigeen kolba meel bay kuula kacayaan, haddana way kaala baxayaan. Mid kalaa soo galaya isna cajalad kaluu kuu daaraayaa! Waxaabad mooddaa:“diin god gal;god gorey gal,god diin gal. Diin god gal, god gorey gal, god diin gal”.Buuggan waxa aad moodaa in aan la shiilin ee la sheelay,ka gaadhsii iyo degdegna lagu daabacey.
Intii aadku dhex jirto akhrinta buuggan waxa aad arkasaa waxyaabo badan oo qalad ah. Waxaaa ka mid ah in uuna markasta oo uu joogsi dhammeeyo aannu fakaaag(Space) sameyn,  waxa ay aheyd in uu mar ka uu dhammeeyo hadalka ee uu joogsi yidhaa,dabadeed fakaag(Space) yidhaa; xaraf cusubna ku bilaabo.Laakiin,may sameyn. Intan buugga ku qoran ila eeg (Markii Dawladii Boqortooyada Ingiriisku iskaga huleeshay 26-6-1960 ee ay dadka reer Somaliland shuruud la’aan kula midoobeen koonfurta Soomaliya ama wadankii loo yaqaaney (Italian Somaliland). Ee ay samaystab Soomaali weyn( great Somalia), waxa ay markiiba si toos ah ula jaan-qaadeen ku ganacsiga Somali Shilinka. iyaga oo isticmaalayay………..). Waad arki kartaa qaladaadka ku jira halkaa ee in dib loo saxo ubaahan. Intaa iyo kumanaan ka daranina waxa ay ku jiraan gudaha buugga. Su’aasha is weydiinta mudan ayaa waxa ay tahay: koonfurta soomaaliya ma waxaa loo yaqaanay(Great Somaliland)? Halkaasina waa khalad weyn oo kale.


Marka aad u fiirsato buugga waxyaabaha uu ka sheekaynayo guulwadeyn iyo ka badbadin ku saabsab macluumaadka ama waxa laga sheekaynayo waad ugu tegi. Mararka qaar ayey qoraayaddu aad ugu talaxtagasaa waxqabad aan weli la qaban,in la qoondeeyey mooyee;qaarna iskaba daa in la qoondeeyee laguma riyoonba. Ila eeg intan buugga ku qoran:(Madaarada magaalooyinka Burco,Boorame, iyo ceerigaabo ayaa iyana ah qaar dawladu waxka qabatey……………………sidoo kale waxa ay dawladu soo xero galisay madaarka Ceerigaabo, iyo kan Boorame oo ay dhammaantood ka bilowdey dib u dhis iyo hawlo shaqo oo dhammaantood baaxad weyn Dhammaan madaarada Burco,Boorame,iyo ceerigaabo ayaa ah qaar aan waagii hore shaqeyn jirin laakiin dawlada axmed maxammed maxamuud siilaanyo ukuurgashey sidii ay dib ugu shaqeyn lahaayeen….). Hal su’aal aan is weydiino; Madaaradan ay qoraagu sheegaso miyaa la dhisey sida Boorame,Burco, iyo Ceerigaabo?Mise waala dhagax dhigey oo xaafaddihii yaaley uunbaa laga rarey? Bal u fiirso, dalka waad joogtoo kamaad dhoofine miyaad aragtey garoono diyaaradeed/dakadeed oo laga dhisey Boorame,Burco, iyo Ceerigaabo oo diyaarad kusoo degto? Haakah. Miyeyna gumeynta garaadka aheyn in sidaa meel lagu qoraa?......Waa inka mid ah qaladka weyn ee qaranka iyo dadkaba laga galey;in meel aan wax laga qaban la yidhaa waxbaa laga qabtey!
Haddii aad usii fiirsato buugga waxa aad ka helasaa qaladaad aan surmo-seegto qoraal aheyn,laakiin in ay kama’ tahay iyo in ay kas tahay meel aan uqaado aan garan waayey. Surma-seegtada(typical errors) buugga ku jirtaa waa buux, sumadaha(,.) iyo kuwo kale oo badanna meelaha qaar qaabka loo adeegsadey waa qalad.
Waxyaabaha aan surmo-seegto qoraal lagu tilmaami Karin waxaa ka mid ah:sida ay u qoranyihiin erayadani;( hargeisa ,hayada , wasaarada,xukuumada,Ahmed,dhalinyarada,cadaalada,dawlada, dhalaan……) Dhamaan waa qalad qaab-qoraalkoodu, waayo, waxaa ka maqan xeerkii labanlaabka xarafyada ee loosoo gaabin jirey(Manala garaadbaa). Qaarna waxayba ku qoranyihiin af qalaad sida :{Hargeisa iyo Ahmed}. Miyey ka xarragoodey afkii hooyadeed iyo aabaheed? Mooyi. Aan sida saxda ah uqorno dhammaan erayada halka sare ku yaalla:(Hargeysa, Hay’ada,wasaaradda,xukuumadda,Axmed,dhallinyarada,caddaalada,dawladda,dhallaan….).
Buugga xaggiisa dambe waxaa ku yaala falcelin buugga lagu sameeyey oo aad moodo in ay u badantahay iga dheh. Waayo waxa aad ka garankartaa qofkan falcelinta soo qorey sida uu hadalka u dhigey; ma u yahay xog-ogaal buugga mise wuu ka giijinayaa? Dhammaan dadka falcelintaa sameeyey waxa aad mooddaa in ay baalmareen god-daloolada buugga ayna indho okiyaalo xidhan ku eegeen.

Guntii iyo gunaanad kii waxa aan intaa kusoo koobayaa gorfeyntii aan ku kala dhig-dhigayey buugga “Rejadii Rumowdey” gefafkii aan kala kulmey intii aan akhriyayey. Qoraayadda waxa aan ku baraarujinayaa in ay dib u saxdo buuggaa ayna horkeentey. Qoraayada gadaal dheladka ah waxa aan kula talin lahaa in ayna buuggaagtooda ka gaadhsii iyo i arkaay kusoo saarine ay waqti badan siiyaan sixidda buuggaagtooda.Qofkasta waxa aan kula talinayaa in uu akhriyo buuggan,waxa ku jira dhuuxo,laga munaaqashoodo wuxuu xambaarsanayahay ma saxbaa?ma qaladbaa? Illeyn waa taariikh buugguye.

W/Q: Abdirazaq Sandheere (2017)


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?