Markasta muhiim baa tahay!
Waxa caana in qofku marka uu ladanyahay la wada jecelyahay, oo lagu soo hirto, halka marka aanad waxba hayn cidina ayna ku danayn, waxna ku soo moodin, laguna aan jeclay. Ladnaanshuhu maaha kaliya uun jeebka, se wuu noocyo badanyahay, ladnaanshaha waxa ka mid ah in qofku yahay afmaal, inuu yahay qof miisaan leh oo bulshadu qawlkiisa ku go’do, in qofku daacadyahay oo la aamini karo IWM. Isku soo xooriyoo qofka Tayada leh waa la daneeyaa. Tayadu way noocyo badantahay, ugu yaraan noqo qof tayo leh oo daacadnimo, aaminaad, ballan oofin, run iyo wanaag ku caanbax oo ha lagugu barto sifooyinkaas. Adigu muhiim baad tahay, kaliya naftaada muhiim uma tihid, bulshadana muhiim baad u tahay. Waxa aad tahay xubin ka mid ah bulshada, kaalin baad ugu jirtaa bulshada. Kaalintu maaha mid muuqata uun, waxa ay noqon kartaa mid aan la ogayn oo kaliya adigu aad ogtahay. Kaalinta ugu yar ee aad bulshada ugu jiri kartaa waa in aanad cidna ku tiirsanayn oo adigu dhuunigaaga iyo baahidaada kaafisid, oo a...