Posts

Showing posts from March 21, 2021

Falanqaynta Buugga “La Shaqaynta Cadawga~Working with the Enemy .”

Image
  Hordhac Dhiganahan lagu magacaabo “ Working with the Enemy ~ La Shaqaynta Cadawga” Waxa qoray Mike Leibling, waa qoraa, tababbare, iyo xirfadle ku takhasusay arrimaha Istiraatiyadda la xidhiidha. Xarunta dadka arrimaha qallafsan kala talisa ayuu aasaasay, oo la yidhaa Strategy Tm. Buugaagta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaahdo “ How People Tick ” oo uu kaga warramayo in ka badan 50 nooc oo dadka qallafsan ah, iyo sidii aad ula tacaali lahayd. Sidoo kale, waxa uu qoray “ Coaching With Easy.” Buggu waxa uu ka koobanyahay 193 bog. Sannadkii 2009kii ayaa markii ugu horraysay la daabacay, oo uu soo baxay. Afar qaybood oo aad u ballaadhan ayuu ka koobanyahay oo qaadaadhigayaa. Waxa uu kaga warramaya sida uu qofku uga badbaadi lahaa, misana uu uga kori lahaa dadka qallafsan ee dabeecadda adeg ee ay qasabtahay inuu la dhaqmo, oo ay wax dhermaraan. Nuxurka Qaybta 1aad waxa uu qoraagu ku bilaabayaa “ Toban Istiraatijiyadood oo muhiim ah oo uu qofku ku badbaadayo marka ay arr

Reer Miyi

Image
  Waan ku Faanayaa inaan Miyi ku dhashay, halkan na ay tahay halkii Tagtadii ka imid ( Proud to be from Nomadic Life) Sawirkan waxa aan galay sannadkii bishii Ogosto, sannadkii 2016kii. Goobtu waxa weeyi Miyigii aan ku dhashay ee MADARKA AMA OOGADA gaar ahaana meesha la yidhaahdo QORIJABKA. Halka aan sawirka ku galay waa qaybta kore ee beertayada. Waa waqtigii duruufta iyo silicu jiray, dadka iyo xooluhuna liiteen. Adhiga yari waa laxo yaryar oo duruufuhu keeneen. Mar waxa aan la yaabbanahay diifta indhahayga, muuqaalkayga, iyo guud ahaan qaabkayga ka muuqata; marna waxa aan ka dhiillaysanahay deegaanka aan joogo iyo diifta ka muuqata waqtigaas. Sawirkani xasuusahayga ayuu iigu jira, waa kuwa aan ku indhakuusho ee dhiirrigelinta I geliya. Waa halkii aan ka imid waqti ka mid ah noloshayda, halka aan ka imid waan garan karaa. Waa marxalad nololeed oo aan soo maray, aad baanan ugu hanwaynahay inaan nolol sidaa u adag oo qallafsan soo maray, se waxa aan ku faraxsanahay inaan weli ka sii