Falanqaynta Buugga “La Shaqaynta Cadawga~Working with the Enemy .”

 

Hordhac

Dhiganahan lagu magacaabo “ Working with the Enemy ~ La Shaqaynta Cadawga” Waxa qoray Mike Leibling, waa qoraa, tababbare, iyo xirfadle ku takhasusay arrimaha Istiraatiyadda la xidhiidha. Xarunta dadka arrimaha qallafsan kala talisa ayuu aasaasay, oo la yidhaa Strategy Tm. Buugaagta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaahdo “How People Tick” oo uu kaga warramayo in ka badan 50 nooc oo dadka qallafsan ah, iyo sidii aad ula tacaali lahayd. Sidoo kale, waxa uu qoray “ Coaching With Easy.”

Buggu waxa uu ka koobanyahay 193 bog. Sannadkii 2009kii ayaa markii ugu horraysay la daabacay, oo uu soo baxay. Afar qaybood oo aad u ballaadhan ayuu ka koobanyahay oo qaadaadhigayaa.

Waxa uu kaga warramaya sida uu qofku uga badbaadi lahaa, misana uu uga kori lahaa dadka qallafsan ee dabeecadda adeg ee ay qasabtahay inuu la dhaqmo, oo ay wax dhermaraan.

Nuxurka

Qaybta 1aad waxa uu qoraagu ku bilaabayaa “ Toban Istiraatijiyadood oo muhiim ah oo uu qofku ku badbaadayo marka ay arrintu ama dagaalku qadhaadhaado.” Qodobbo muhiim ah ayuu qoraagu taxayaa. Aynnu qaar ka mid ah 10kaa soo qaadanno:

1-      Si deggan, cad oo dheeraada ula xidhiidh: Sidan qaabab badan ayaad ku samayn kartaa. Kuwa qoraagu xusayana waxa ka mid ah inaa dadka wayddiisid ‘Sida’ oo aanad wayddiinin ‘ Sabab ma.’  Inuu qofku daacad, iyo qof furfuran noqdo. Inuuna qofku noqdo mid waxyaabaha gaareeya ‘ Specific’ oo uuna wax guud ka dhigin. In qofku luuqadda ay fahmayaan kula hadlo. In inuuna qof dhinaca xun wax ka eega ahayn.

2-    In shey’yada uu xaqiiqda ka sheego, dhinacyo kalana ka eego.

3-     Ha dareemin cadaadis kugu qasba inaad si degdeg ah uga falcelisid: Waa in qofku naftiisa waqti la qaato, oo isdejiyo, waxna iswayddiiyo. Marka wax lagu yidhaa waa inuuna cadho ama cadaadis isdareensiin.

4-    Wax aanad helayn ha u hanqaltaagin.

5-     Si indhala’aana dadka kale ha u aaminin: Qofkastaa waxa uu kuu sheego ha qaadan. Dadka aad wax ka qaadanayso, ee weliba waxa ay kuu sheegaan aad rumeysanayso aad iskaga fiiri, weliba iyana waxkasta oo ay kuu sheegaan ha rumaysan. Qoraagu waxa kale, oo uu ku doodayaa in qofku waxa uu uu sheego su’aal la geliyo. Sidoo kale, in waxkasta wayddiin la geliyo waa muhiim.

6-    Wixii tagay yuuna kaa xannibin waxa soo socda ( Tagtadu yayna kaa xannibin oo horjoogsan waxa soo socda): Qoraagu halkan waxa uu ku leeyahay wixii tagay ha u oggolaan inuu kaa mashquuliyo waxa soo socda. Wixii tagay tagitaankiisa u daa.

7-     Waskasta ha qofeyne dhaqanka iyo dhinacyo kale ka eeg: Halkan qoraagu waxa uu kaga warramayaa in qofku aanu shey ama aragti qofayn oo qofka sameeyay aannu eegin, se uu eego dhaqanka iyo qaabka la samaynayo.

8-    Naftaada ilaali: Macne ahaan, naftaada waxyaabaha ay samaynayso u xaddid oo liis qoro. Qoraagu waxa ku leeyahay samayso liis ay ku qoranyihiin, waxa aad odhanaysid, waxa aad samaynaysid, waxa  aanad samaynayn, waxa aanad odhanayn. Waxa kale, oo iyadna muhiim in aad dib iskugu noqotid markasta oo aad wax dareentid.

Qeybta 2aad, ayuu bilaabayaa. Waxa uu cinwaan uga dhigay “ 15 nooc ee cadawga ugu adeg, iyo sida aad uga badbaadi lahayd.” Dhawr ka mid ayaynu ka soo qaadan:

1-      Dadka ku cadaadiya ( Bully): Inta badan waa kuwa dadka awood ku cadaadiya.Tusaale ahaan, sida maamule shirkadeed oo shaqaalihiisa shaqo dheeraada u diraya, haddii ay qaban waayaanna shaqada gebigeeda ka eryaya. Qoraagu waxa uu leeyahay, waxa xal u noqon kara oo la iskaga difaaci karaa waa DOOKHA uu qofku haysto oo waa inuu iskaga tagaa.

2-    Danaystayaasha waxkasta dantooda ka horraysiiya: Waa dadka waxkasta iyagu inay guuleystaan doonaan. Xalkooduna waa in laga feejignaado.

3-     Kuwa labawejiilayaasha ah: Xalkoodu waa in kolba sidii loola tacaali karo loola tacaalo.

4-    Naftaada: Naftaadu marar badan iyada ayaa cadaw kugu noqon karta oo waxbadan ku seejin karta. Qoraagu waxa uu qabaa in naftu cadawga qofka ka midtahay. Iyada baro oo wanaaji.

Afartaa ayaynnu ka soo qaadan cadawga qofka. Kuwa kalana waa kuwaa iyo wax ka farcama oo u dhawdhaw.

Qeybta 3aad, qoraagu waxa uu kaga warramayaa sidii uu qofku xogo badan u heli lahaa si uu u helo dhabbooyin cusub oo uu horumar ku gaadho. Waayo, qofkii xog hela ayaa go’aan kara. Qofku waxa uu xog ku heli karaa:

1-      Inuu diyaar noqdo marka hore.

2-    Inuu raadiyo meesha uu ku tuhmayo waxa uu doonayo.

3-     Inuu wayddiinta faa’idada leh badiyo.

Qeybta 4aad, qoraagu waxa uu kaga warramayaa in qorshe cadawga lagu dejinayo oo xaaladdooda mid deggan lagaga dhigayo lala yimaaddo. Qoryaashaa qoraagu xusayo, waxa ka mid ah:

1-      In marka koowaad aad degsato oo yoolkaaga qorshe diyaar kuu ahaado.

2-    Yoolkaaga shaqageli oo ka shaqaysii, oo waxa aad doonaysid ku qabo: Oo halkan qoraagu waxa uu leeyahay haddii aad shaqada hoos u qaban jirtay mid la wada arko dhig. Haddii aad caaddifad ku qaban jirtay si caadi ah u qabo.

3-     Ka feker waxa aynna dadku intooda badan ka fekerin oo aynna ku baraarugsanayn.

 

Gebagebo

Afar qaybood oo waaweyn ayuu u habaysnaa buuggu. Afartii xabbadxabbad ayaynnu isku dultaagnay. Wax kamid ah ayaynnu soo qaadannay. Waaba intaa.

 

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

26 Febraayo, 2020.

 

 

 

 

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?