Posts

Showing posts from July 25, 2021

Bandhigga Buugaagta Jigjiga 2021

Image
Hordhac Inta badan waan jecelahay inaan magaalooyin badan arko, dhul badanna arko.   Berigii aan yaraa Miyi baan ku soo barbaaray oo socodka iyo inaan meelo cusub arko waan jeclaa. Markasta oo aan fursad u helo inaan meel tago waan tagaa, waana inaan ka faa’idaystaa fursaddaas. Dhammaadkii bishii Juun, 2021ka waxa aan tagay magaalada Jigjiga.Magaaladaas 28keeda waxaa ka bilaabmayay Bandhigga Buugaagta Jigjiga. Bandhiggaas ayaa la igu martiqaaday oo aan martida gaarka ah ka mid ahaa. Sidaas darteed ayaan u tagay magaalada markan. Ma aha markii koowaad ee aan Jigjiga tago, waa markaygii labaad ee aan Jigjiga tago. Sannadkii 2019kii bilowgiisii ayaan markii koowaad booqday. Qoraalkan waxa aan isku dayayaa inaan kaga warramo Bandhigga buugaagta Jigjiga, iyo waxyaabaha aan ku arkay. Magaalada Jigjiga   25 Juun, 2021kii waxa aan ka baxay magaalada Boorama,   waxa aan u sii jeeday magaalada Jigjiga. Markii aan Jigjiga ku sii socday waxa aan sii maray magaalada Wajaale oo ah magaal