Posts

Showing posts from May 19, 2024

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Image
    Hordhac   Ka Sandheere ahaan, markii koowaad waxa aan booqday oo soo arkay Magaalada Herar, May 19, 2o24. Herar in badan baan maqlayay, waxbadanna ka akhriyay, se inaan dhex joogsado oo wixii aan akhriyay arko waan ku faraxsanahay. Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa wixii aan ku soo arkay magaalada Herar, iyo guud ahaan wax ku saabsan magaalada facawayn ee Herar.                                             Sooyaalka Herar   Herar, waxa ay ku taallaa Bariga Itoobbiya. Waxa ay 500 KM u jirtaa magaala Madaxda Dalka Itoobbiya ee Addis Ababa. Waa magaala madaxda Gobolka Herar. Waxa ay ku taallaa dhul buurallay ah, dhul aad u qabaw, cagaar ah, dhir badan oo inta badan roobku ka da’o. Marka aad magaala guud ahaan fiirisid waxa ishaadu qabanaysaa dhir aad u farabadan. Magaalada Herar, waqtigii hore waxa lagu naanaysi jiray magaaladii Awliyada ( The City off Saints). Oo Carabta ayaa magacaas u taqaannay, sababtuna waxa ay ahayd culimo badan baa ku noolaa. Dhinaca