Posts

Showing posts from August 28, 2022

Dawladdu ma aha Hibo Samada ka timaadda

Image
    Nabadi ma jirayso caddaaladla’aanteed, caddaaladina ma jirayso dawlad la’aan, dawladina ma jirayso heshiis siyaasadeed la’aantii, heshiis siyaasadeedna ma jirayo oo lama helayo haddii aanu jirin Isfahan bulsho, Isfahan bulshana ma imanayo haddii aanu jirin bisayl siyaasadeed oo u dhexeeya saamilayda siyaasadda. In halkudhegyo ( shicaar) la sameeyo oo kor loo qaadaa way fududdahay, in nabadda Minbarrada ama fagaarayaasha lagaga warramaana way fududdahay, in Xisbiyo la sameeyaana way fududdahay, balse waxa adag in halkudhegyadaa loo baddelo barnaamij, oo xeerarka caddaaladda lagu dabbaqo waaqica. Sidoo kale, in bulshooyinka duurka ku nool in waxqabadka nolosha ee socda laga qaybgeliyaa way adagtahay, balse waa wax loo baahanyahay. Waa suurtagala inaan dawlad la’aan sannado noolaannaa, sidoo kale waa suurtagala in wax dawlad u eeg tobannaan sano ku noolaan karno, waana suurtagala in mooryaanta ama dadka jidgooyada ah aynu madax ka dhiganno, sidoo kale waa suurtagal in dagaal oog

Faallada Buugga “ How Will You Measure Your Life”

Image
  Hordhac   Buuggan la yidhaahdo “How Will You Measure Your Life~ Sideed Noloshaada Halbeeg ugu samaynaysaa?”    waxa qoray saddex qoraa oo kala ah: Clayton Christensen, James All worth iyo Karen Dillon. Wuxuu ka warramayaa sidii qofku noloshiisa halbeeg uu ka duulo u samayn lahaa. Waxkasta iyo heerkasta oo nololeed wuxuu u baahanyahay in qofku halbeeg yeesho. Waxa laga yaabaa inaad marar badan iswayddiisid: Waa maxay hadafka noloshaydu? Maxaan rabaa inaan dunida kaga tago ka hor inta aanan dhiman? Sideen u noolaan karaa nolol ujeeddo leh? IWM. Haddaba buuggu waxyaabahaas ayuu si wanaagsan kaagaga jawaabayaa. Buuggu wuxuu ka koobanyahay 207 bog. Wuxuu ka koobanyahay laba qaybood. Labadaas qaybood ayaan si kooban u sharraxi doonaa. Sideed Noloshaada u cabbiri kartaa?   Qaybta koowaad, qoraayadu waxa ay kaga warramayaan in qofku farxad ku dareemo shaqada uu qabto.    Waxa muhiim ah in qofku shaqada uu qabto uu jecelyahay oo farxad ku dareemayo. Haddii aanu qofku ku qanacsanayn shaqada uu