Nabadi ma jirayso
caddaaladla’aanteed, caddaaladina ma jirayso dawlad la’aan, dawladina ma
jirayso heshiis siyaasadeed la’aantii, heshiis siyaasadeedna ma jirayo oo lama
helayo haddii aanu jirin Isfahan bulsho, Isfahan bulshana ma imanayo haddii
aanu jirin bisayl siyaasadeed oo u dhexeeya saamilayda siyaasadda.
In halkudhegyo ( shicaar) la
sameeyo oo kor loo qaadaa way fududdahay, in nabadda Minbarrada ama
fagaarayaasha lagaga warramaana way fududdahay, in Xisbiyo la sameeyaana way
fududdahay, balse waxa adag in halkudhegyadaa loo baddelo barnaamij, oo
xeerarka caddaaladda lagu dabbaqo waaqica. Sidoo kale, in bulshooyinka duurka
ku nool in waxqabadka nolosha ee socda laga qaybgeliyaa way adagtahay, balse
waa wax loo baahanyahay.
Waa suurtagala inaan dawlad
la’aan sannado noolaannaa, sidoo kale waa suurtagala in wax dawlad u eeg
tobannaan sano ku noolaan karno, waana suurtagala in mooryaanta ama dadka
jidgooyada ah aynu madax ka dhiganno, sidoo kale waa suurtagal in dagaal
oogayaashu ay ganacsiga gacanta ku hayaan oo dadka ku dilaan khiyaano ganacsi
baddelka halkii ay rasaas iyo madfacyo ku dili lahaayeen, ka dibna ay dhisaan
Masaajiddo iyo Maddarasado, innaguna aynu taas horumar iyo horusocod ku
magacawno. Balse, suurtagal maaha in dawlad la dhisaa haddii aan la helin
heshiis siyaasadeed, iyo Isfahan bulsho.
Waxa suurtagala in aynu qabanno
xaflado la xidhiidha maalmaha calanka iyo xornimada, sidoo kalana aynu
dhegaysanno heeso macaan oo ammaanaya madaxda iyo waddanka- innaga oo waqtigaas
is illawsiinayna waxyaabaha werwerka innagu haya ee ilbidhiqsiyadaas jira.
Sidoo kale, waxaa suurtagala inaan dhegaysanno Muxaadarooyin Diiniya oo
xanuunka jira dejinaya, ama in aynu xifdino gabayo Diini ah. Sidoo kale, waxaa
suurtagala inaan dhisno ganacsiyo waawayn iyo dhismayaal waawayn ama in aynu
samayno ciidamo xoog leh. Balse, ayna innoo suurtagalin in aynu dawlad dhisno
innaga oo aan fahansanayn dhisidda dawladaha casriga ah. Dawladdu ma aha sidii
urur samafala oo kale, balse, waa Isfahan gun dheer iyo inuu jiro Isfahan
bulsho oo ku salaysan isla oggolaan.
Waxaa suurtagala inaan samayno
waraaqo si wacan u qoran oo caddaynaya jiritaankeenna, ama in aynu yeelanno
Baasaboorro lagu safro oo ay ku qoranyihiin halkudhegyo dawladeed oo qurxoon,
balse ayna xaqiiqo ahaan waxba ka jirin. Sidoo kale, waxaa suurtagala inaan kor
u qaadno calan leh midabbo kala duwan, ka dibna aynu calankaa waynayno sidii
Kacbada oo kale ama Qabrigii Nebiga ixtiraamka mudnaa. Balse, waxaasi wuxuu
ahaanayaa uun maro. Waayo, waxa aynu ku fashilannay in aynu samayno dawlad dhab
ah. Dawladdu waa hal’abuur, balse ma aha wax meel laga soo dheegto. Maanta
innagu waxa aynu noolnahay dawlad la’aan; haddana sidaas oo ay tahay dawlado ayaa
jira, tanina waa masiibadii dhabta ahayd.
Waxa suurtagala in aan dhisno
jeelal waawayn, sidoo kale, waxa suurtagala inaan caqligeenna dhigno dayrka
gadaashiisa, waxaana suurtagala inaan dadka xoolo kaga urursanno innaga oo u
bixinayna magaca ah ‘ Cashuur’ taasina
waa tii Fiqiga Islaamku ka dagaallamay waqti hore. Waxa suurtagala inaan
Cusbitaallo u dhisno dadka dhintay, balse aynaan u dhisin kuwa nool. Waxa kale
oo suurtagala inaan masaakiinta u dhisno Cusbitaallo aad mooddid qabriyo,
carruurteennana aynu ku soo dawayno Qurbaha marka uu DURAY ku dhaco- iyada oo
aan la gaadhin ba xanuunnada khatarta ah. Waxa kale oo suurtagala inaan
masaajiddo waawayn ka dhisno meelo faqri badan ka jiro. Ka dibna aynu ka
warranno horumar Diineed! Markaa waxaabad moodda in aynu ka dhignay in Diinta
loo soo dejiyay inay dhisto dhagaxaanta oo ay illowday dadkii!
Waxa suurtagala inaan ka
qaybgalno Shirarka Qaramada Midoobay, ama inaan xubin ka noqonno Hay’adaha
Dawliga ah, ama inay madaxdeennu ka khudbadeeyaan fagaarayaasha caalamka, ama
inaan booqanno caasimadaha dalalka waawayn, ama inaan dhegaysanno hadallo
guubaabin ah oo dawladuhu inna siiyaan, ama ay inna ammaanaan ama innoo
mujaamaleeyaan, balse waxaas oo dhani dawlad innagama dhigayaan. Waayo,
dawladdu waa samayn/dhisid iyo fahan; waxba lama dhisi karo haddii aanu fahan
jirin. Fahanna ma jirayo haddii aan akhris cilmiyaysan waaqica lagu samayn.
Muhiim maaha in aan xidhanno dhar reer magaal, balse waxa muhiim ah inaan
magaalada ugu noolaanno caqli reer magaal/ilbaxnimmo iyo akhlaaq ilbax ah.
Waa suurtagal inaan warbaahinta
kaga hadalno luuqad ilbaxnimo leh, waana macquul inaan kiraysanno warbaahin
caalamiya oo aad u wayn, balse ugu danbayn waxa hadhi doona macnihii dhabta
ahaa iyo wixii oo qofku/dalku yahay. Muuqaal ahaan wuxuu u muuqdaa wax wayn,
balse macne ahaan wuu yaryahay qofku, oo fahan ahaan ma dhisna, arrimo xaqiiqo
ahna kama doodi karo. Dadku markaas waxa ay yihiin uun diranayaal, farriin
nololeedna ma sidaan, oo maba fahmayaan. Ummaddu maxay doonaysaa? Waa maxay
dhibaatada haysataa?
Waxa suurtagala inaan waxkasta ka
sheekayno, waxa kale oo suurtagala inaan ka tahriibno waaqiceenna, bal waxaa
suurtagala inaan guul ku gaadhno meel waddankeenna ka baxsan ama debaddiisa ah,
waxaa suurtagala inaan xubin ka noqonno Golaha Koongaraska Maraykanka, ama
inaan Wasiir ka noqonno dawlad ka mid ah dawlaha horumaray, balse illaa maanta
may suurtagalin inaan dhisanno dawlad. Dhibaatadu maaha bini’aadannimadeeda, balse
dhibaatadu waa caqliyadeenna iyo sida aynu u fekerayno. Dalkeenna waxa aynu ugu
noolnahay sidii martida oo kale, kaliyana waxa aan u noolnahay uun inaan
noolnahay.
Illaa hadda waynu ku
guuldarraysannay inaan dhisno dawlad. Haddaba dhibaatadu waa taas, waynu iska
noolnahay uun. Waxaynu doonaynaa inaan ku noolaanno shardiyadii noloshii
duurka. Masiirku waa mid aan la garanayn. Waayo, kalluunka waynu wuxuu liqaa
kalluunka yar, bahalka wayni wuxuu dilaa bahalka yar. Markaa midkasta oo innaga
innaga mid ahi waxa uu ka fekerayaa sidii uu u noqon lahaa bahal wayn illaa uu
dadka oo dhan markaasna wada laayo. Markaa side suurtagal ku tahay inaan ku
noolaanno caalam bahalnimo ah? Nolosheennu uma eeka nolosha caalamka, balse waa
nolol gaar ah.
Waxa suurtagala inaan noolaanno,
balse waxa aad u fudud inaan maalinkasta maqalno boqollaal qof oo sabab la’aan
lagu dilay. Waa suurtagal inaan noolaannaa, balse waxa aynu noolnahay nolol
aynu geerida arrin caadiya iskaga aragno.
Dadku waxa ay qorsheeyaan nolosha, innaguna waxa aynu qorshaynaa
geerida. Dadka caalamka ku nool waxa ay ku tartamayaan waxsoosaar; innaguna
waxa aynu u kala baratamaynaa geeri. Waa ilbidhiqsiyo aad u xun. Sababtuna waxa
weeyaan maqnaansha dawlad dhab ah. Dawladi ma jirayo madaxwayne la’aantii;
madaxwaynana lama helayo doorasho la’aan iyo heshiis; doorashana ma jirayso
heshiis la’aan, heshiisna ma jirayo ururro siyaasadeed la’aantood, urur
siyaasadeedna lama heli karo haddii ayna jirin bisayl siyaasadeed. Wacyi
siyaasadeed waa loo baahanyahay hadda iyo hadhaw ba.
Dhisidda dawladdu ma aha hibo
samada ka timaadda, balse waa waxqabad, wacyi iyo farshaxan.
W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir
Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere
24 Ogosto, 2022.
Comments
Post a Comment