Posts

Showing posts from March 29, 2020

Sucaad Suldaan Shaamisi: Qoraayadda Buugga ““ أمنيتي أن أقتل رجلا ~Hammigaygu waa inaan nin DILO.”

Image
Sucaad Suldaan Ash- Shaamisi, waa qoraa, iyo injineerad maaammulka diyaaradaha ku takhasustay.   Sucaad, Shahaadada Digreega koowaad waxa ay ku diyaarisay Injinineernimada Diyaaraha. Shahaadada labaad ee Mastartana   maammulka diyaaradaha ayay Jaamacadda Conventry ee Boqortooyada ingiriisiga ka diyaarisay. Haddana waxa ay diyaarisaa Shahaadaha Ph.D kulliyadda maammulka madaarrada iyo diyaaradaha. Waanna gabadhii ugu horraysay ee maammusha Madaarka Abuu Dabay ee cusub. Sidaa si la mid ah waa gabadhii ugu horraysa ee Imaaraad ah ee maammul Madaar qabata sida warbixin ay warbaahinta ( Al Aan TV تلفزيون الآن ) ka diyaarisay lagu sheegay. Waxa ay isku dayday inay Majaalkaa ka soo dhalaasho. Wayna ka soo dhalaashay. Sidoo kale, waa qoraa qortay sheekooyin. Waxa ay qortay buug cajiib ah loo la yidhaa “   أمنيتي أن أقتل رجلا ~Hammigaygu waa inaan nin DILO.” Waa buuggii ugu iibsiga badnaa waqtigaa ay qortay, Bandhiggii Shaariqa ee sannadkaana buuggu wuxuu ahaa ka ugu iibsiga badan. Aad