Posts

Showing posts from October 21, 2018

Candhasaab

Image
Maradaa soohan ee hasha kaga duuban candhada ee Sakaarka iyo Kuruska agteedana lagu soo xidhay, waxa loo yaqaan ‘ Candhasaab.’ Macno ahaan wixii candhada ama naasaha hasha qarinayay. Dhammaan candhadii hadhu way daboolantahay oo hadda waxba lagama dheefi karo. Ujeeddada loogu xidhaa waxaa weeyi in maalintii aynna jiqin nirguhu geela. Waxaanna lagu xidhaa geela irmaan ee la liso. Inta badan Nirgaha Geela waalla raaciyaa oo way lasoo daaqaan, iyaga gaar ahaan looma e ego sida dhasha kale ee maqasha iyo Waylaha, oo iyaga duleedka, aradka ama bootada xaafadda lagu eego. Mar haddii lagu daray Nirgihii oo la raaciyay geelii waxaa dhacaysa in ay jaqaan. Sidaa darteed waa lagama maarmaan in la helo wax lagu xakameeyo jiqidda Nirgaha ee geela. Labo hab ayaa la sameeyaa: Mid nirgaha ayaa lagu sameeyaa oo waxa la yidhaa ‘ Jiil’, waxaanna intaa sanqaroorka lagaga xidhaa laba ulood oo yaryar oo taagtaagan, oo markay jaq istidhaa hasha ay ku muddo, hashuna ay ka booddo. Ta labaad Halaha ayaa