Candhasaab


Maradaa soohan ee hasha kaga duuban candhada ee Sakaarka iyo Kuruska agteedana lagu soo xidhay, waxa loo yaqaan ‘ Candhasaab.’ Macno ahaan wixii candhada ama naasaha hasha qarinayay. Dhammaan candhadii hadhu way daboolantahay oo hadda waxba lagama dheefi karo. Ujeeddada loogu xidhaa waxaa weeyi in maalintii aynna jiqin nirguhu geela. Waxaanna lagu xidhaa geela irmaan ee la liso. Inta badan Nirgaha Geela waalla raaciyaa oo way lasoo daaqaan, iyaga gaar ahaan looma eego sida dhasha kale ee maqasha iyo Waylaha, oo iyaga duleedka, aradka ama bootada xaafadda lagu eego.
Mar haddii lagu daray Nirgihii oo la raaciyay geelii waxaa dhacaysa in ay jaqaan. Sidaa darteed waa lagama maarmaan in la helo wax lagu xakameeyo jiqidda Nirgaha ee geela. Labo hab ayaa la sameeyaa: Mid nirgaha ayaa lagu sameeyaa oo waxa la yidhaa ‘ Jiil’, waxaanna intaa sanqaroorka lagaga xidhaa laba ulood oo yaryar oo taagtaagan, oo markay jaq istidhaa hasha ay ku muddo, hashuna ay ka booddo. Ta labaad Halaha ayaa lagu sameeyaa oo waatan hadda aynnu sawirka ku aragno oo waa ‘ Candhasaab’- oo isaguna lagu qarinayo candhadii Hasha, nirigtiina ma helayso meel ay mariso afkii oo ay ka jaqdo hooyadeed. 

Sidoo kale, isla ujeeddadan daraaddeed waxaa loo sameeyaa wax la yidhaa ' Maraq' oo ah in geela naasaha lagaga duubo maydhax la diiray oo la calaliya, misana qoyan. Waase isku ujeeddo oo labadaba waa yaanay nirguhu jiqin.
Haddii aad wax ka duwan hayso, ama si ka duwan sidaa u taqaanno, noo faa’idee.

Sawirku waa Ogosto 2018. Mar aan joogay Durya, Qabribayax, Faafan.

Cabdirasaaq Sandheere.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?