Posts

Showing posts from February 27, 2022

Koosaar iyo Gamadiid

Image
                                Koosaar iyo Gamadiid Dugsi ka mid ah Dugsiyada dalka ayay dhigtaan. Waa isku Fasal. Waxbadan ayay wadaagaan oo isla eegaan. Balse, duruufta qaarkood iskuma sheegtaan. Koosaar, wuxuu ka soo jeedaa qoys ladan oo Aabbihii waa Wasiir. Walaalihiina qaar ayaa shaqeeya. Koosaar, Aabbihii wuu u hagarbaxay oo koolkoolin ayuu halkaaba ku soo gaadhay. Dugsigiisii Hoose, iyo Dhexe   kuma fiicnayn waxbarashada e waalla dabasocday uun. Qasab, sasabo, iyo lacag ayay Hooyadii iyo Aabbihii ku gayn jireen Dugsiga. Wuu ciyaar badnaa oo qalqaali ayuu ahaa. Macallimiinta ayuu la dagaallami jiray, balse, lama eryi jirin! Haddii la eryana qoyskiisa ayaa lacag le oo isla maalinta danbaba Aabbihii oo baabuur wata ayaa Dugsiga imanaya isaga oo wiilkiisiina wada! Maalin waaka Ardey ay islaayeen. Dugsiga waxaa u xeer ah in labada qof ee islaaya la eryo. Wiilkii ay Koosaar isdagaaleen waalla eryay. Balse, Koosaar lama eryin! Koosaar, marka uu Dugsiga sare ka baxo waxaa la doon