Posts

Showing posts from July 14, 2019

Sookoobidda Buugga ‘ Writing With a Purpose’

Image
Buuggan la yidhaa ‘ Writing With a Purpose ~ Si ujeeddaysan in wax loo qoro’, waxaa qoray McMrimmon. Waxa uu ka koobanyahay 446 Bogg. Waxa uu ka hadlayaa sida qofka qoraaga ahi u ilaalin lahaa ujeeddada qoraalkiisa, misana xil iskaga saari lahaa akhristuhu inuu wax la faa’ido. Muhiimadda wuxuu saarayaa in qoraagu qoraalka iska dhiso, haddii ay tahay mid afeed iyo mid qaabeedba. Sidoo kale, wuxuu aad uga dheeraanayaa in qoraagu ilaaliyo kolba halka uu marayo fahanka akhristuhu. Meelaha ugu mhiimsan ayaynnu soo koobi; Ujeeddada Qoraalka Marka aynnu ka nimaadno ujeeddooyin guud ee wax loo qoro, haddana waxaa jira in laba shay qoraagu iska dhiso, sida uu ku doodayo Qoraa McMrimmon, sida uu buuggiisa ‘ Writing with a Purpose’ uu ku qoray ‘ Laba xidhiidh ayaa muquunin ku leh, qaabka uu wax u qorayo qoraagu, midi waxa ay u dhexaysaa qoraaga iyo maaddaba ama waxa uu wax k qorayo. Ta kalan, waxa ay u dhexaysaa qoraaga iyo akhristaha uu wax u qorayo.