Posts

Showing posts from January 19, 2025

SIDEE SHAQO LOO HELAA?

Image
   Shaqadu waa hawl u baahan xirfad, dadaal, waqti, farsamo iyo maanhag togan. Qofku xilliga uu shaqadoonka yahay waxa caawinaya waxyaabo badan, waxyaabaha caawinaya waxa ka mid ah in qofku yahay qof diyaarsan oo isagu marka hore u taagan inuu shaqo helo, markuu helana inuu shaqada qaban karo. Se qofka aan diyaarka ahayn fursad kastaa way dhaafaysaa. Halkan waxa aan ku soo koobayaa farsamooyin aan isleeyahay qofka shaqodoonka way anfacayaan. Tabahaasi ma aha kuwo mala’awaal ah ama aan anigu iska samaystay, balse waa kuwo la tijaabiyay oo dad badan ku guulaysteen. Ila eeg dhawrkan qodob: 1-       Diyaarsanaan:  Marka hore diyaar ahoow, waxa aad u diyaargarawdaa in haddii saacaddaa ama isla berri lagu soo Waco oo hawl laguugu yeedho in aad qabatid. Se haddii aanad isla saacaddan diyaar ahayn, shaqo diyaar uma tihid. Waayo, haddii hawl diyaara laguugu yeedho oo aanad waqtigaas qaban karayn, way ku dhaafaysaa, sidaasna waxa kugu dhaaftay fursad. Fursa...

Goormay dooddu midhadhal noqonaysaa?

Image
 Qoraayadda buugga “ Essentials of Argument” ee Nancy, waxa ay iswayddiinaysaa ‘ xaaladdee ayay Dooddu aad ugu wacantahay?’ Dabadeed waxa ay qabtaa in marka dhawr qodob laga helo ay dooddu si wacan u socoto, misana noqonayso mid la mahadiyo. Qodobbadaa waxaa ka mid ah: 1- Inay jirto arrin laga doodayaa (Issue): Haddii ay jirto xaalad cusub ama arrin cusub oo soo darriday ama jirtayba, se aan wax xala laga gaadhin, waa in markaa xal laga gaadhaa. Waxa qasaba in xaluheliddaa arrintana ay fekrado kalageddisani iman doonaan.  2- Doode: Waxaa iyana lagama maarmaan ah inuu jiro qof bilaabay doodda, ama curiyay oo dhaliyay asalkaba. Qofkaasi oo fekrad qaba, dabadeed dadka kale uu wayddiiyo waxa ay ka qabaan.  3- Dhegaystayaal/ Markhaatiyaal; waa inay jiraan dad goobjoog ahi, ha ahaadaan kuwo ku raacsan ama ku diidan bee. Dadkaasina kaliya ma noqon karaan kuwa dhegaysta uune waxa ay noqon karaan kuwo akhrista, daawada, eega. Sidoo kale, waa inay fahmi karaan, fekeri karaan, su’aa...